Maqaal : Nabada iyo muhiimada ay leedahay
Marka la soo hadal qaado erayga Nabad, qofkastaba waxaa islamarkiiba ku soo dhacaya qiimaha ay nabadu u leedahay Guud ahaan nolosha aadanaha, oo ay muhiim tahay in mar walba qofku ku noolaado Nabad waarta inta wakhtigiisa uga dhiman. Waxaa sidookale Nabada lagu tilmaama inay tahay shayga ugu wanaagsan ee nooluhu jecel yahay inuu ku noolaado, waxase ay ka sii necebyihiin Nabad la’aan ama colaad waana tan loogu nacaybka badan yahay.
Abwaan soomaaliyeed ayaa ka gabyay Nabada isagoona tilmaamay qiimaha ay Nabadu leedahay waxana uu yiri.
Inay nabadu guri hooyo tihiyo gogoshi kuu-tiilay.
Goobjoog nin kii shalay ahaa wuu garwaaq sadayee
Caqli gii guran baan ogayn guul inay tahayee
Waa goodan barwaaqoo rimaan gaawa loo sidayee
Kolna waa gabaad lagu nastiyo gama’a laseexdaayee
Kolna waa gasiin lagu qadiyo maalaan kaa gurinee
kolna waa gufaacada hartiyo golihi roobeed ee Kolna waa gu’ gii hooray iyo
geeda soo baxayee Kolna waa gamaan kaagi iyo geenya shaaximanee
Kolna hadaan gad lagu doorsadiyo nabad lagaaraynin
Gankaa soo kacay u sheeg iyo gabana daa moogee.
Shacabka reer Puntland maanta waxaa ay ku soo toosaan Nabad waxana ay ku seexdaan Nabad, maadama intaa ay haystaan waxaan u sooo jeedin inay ku fara adaygaan Nabada iyo barwaaqada ay maanta haystaan.
Dawladdu keligeed masugi karto amniga hadaydaan Reer Puntland aydan dawladda ka gacansiin adkaynta Nabadgelyada aynu maanta haysano, waxaa jira cadow farabadan oo ku howlan in Nabada aynu haysano khalkhal geliyaan balse waxaan nasiib u leenahay in shacabka reer Puntland ay yihiin kuwo ka feejigan cadowgooda.
Guusha waxaynu ku hanan karnaa inagoo dawladeena kala shaqeyna horumarka ay hiigsanayso, maanta Puntland waxaa hogaanka u haya Madaxweyne Daacad ah waana Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, aynu la garab istaagno hiil iyo hoo meelna aynu uga soo wada jeesano cidkasta oo isku dayda in horumarkeena ay naga hor istaagaan.

Marka la soo hadal qaado erayga Nabad, qofkastaba waxaa islamarkiiba ku soo dhacaya qiimaha ay nabadu u leedahay Guud ahaan nolosha aadanaha, oo ay muhiim tahay in mar walba qofku ku noolaado Nabad waarta inta wakhtigiisa uga dhiman.