Fallo: Sannad kadib Puntland horumar iyo Baraare

0
Tuesday March 24, 2015 - 10:11:25 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fallo: Sannad kadib Puntland horumar iyo Baraare

    Tan iyo markii uu xilka qabtay 8-da Janaayo 2014 madaxweynaha hoggaanka suubban ee Cabdiweli Maxmed Cali Gaas ayaa waxaa isbedeley hal mar guud ahaan jawiga Puntland, waxaana furmay dhabaha nabadda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo markii uu xilka qabtay 8-da Janaayo 2014 madaxweynaha hoggaanka suubban ee Cabdiweli Maxmed Cali Gaas ayaa waxaa isbedeley hal mar guud ahaan jawiga Puntland, waxaana furmay dhabaha nabadda, Shacabka reer Puntland waxaa ay si aad ah ula dhaceen guusha lama ilaawaanka ah ee u soo hoyatay.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waa hogaamiye leh aragti dheer, shacabkiisana ugu adeega daacadnimo iyo wadatashi waxaana ka go’an in Puntland uu gaarsiiyo meel wanaagsan si ay ula jaan qaado dawladaha horumaray ee maalinba maalinta ka dambaysa ku talaabsanaya horumar iyo baraare.

Madaxweyne Gaas isagoo latashiyo buuxa la sameeyey isimadeena indheer garadka ah, Waxgaradkeena iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland waxaa uu qaaday sanad gudihiis talaabo wanaagsan oo uu kor ugu qaadayo haykalka dawladnimo ee Puntland.


Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu sidoo kale ku guulaystay turxaan bixinta dhammaan Beelaha Puntland ee dhaliisha tabanayey , soo celinta waxgaradka beelaha dulmiga tirsaneyey waxay aheyd talaabo wanaagsan oo looga gudbay dhibaatooyin farabadan oo jiray.

Waxaana uu Caasimadda puntland ee garoowe isugu keenay inta badan Isimada Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo Markii hore cadho ay ka cadhoodeen maamulladdii Ka Horeeyey Dawladda Uu Hoggaamiyo Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uga maqnaa iyagoona u arkayey maamullo aan caddaalad iyo sinnaan toonna ku dhaqmayn sidoo kalana aan ka shaqaynayn Danta Puntland sababayna kala tagga iyo kala fogaanshaha beelihii wada dhistay Dawladda Puntland, Hasa ahaatee soo laabashadooda ayaa noqotay mid ay siweyn usoo dhoweeyeen dhammaan shacbiweynaha reer puntland ee Midnimada iyo Wadajirka Jecel iyo sidookale daneeyayaasha Puntland, waxaanay Gundhig u noqotay Arrintaasi Taageero Ballaadhan oo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu kahelay Dhammaanba Gobollada Puntland.

Waxyaabihii uu xoogga saaray hirgelintooda Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa ka mid ahaa Dhismaha iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Puntland sida Dhismaha Madaarka Boosaaso , Garoowe iyo Gaalkacyo , iyo Dhismayaasha iyo Dayactirka Waddooyinka Puntland kuwii hore u jirey iyo kuwo cusub oo iminka la aas-aasay kuwaasoo badidooda laga hirgeliyey Magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

sida Magaalada Caasimadda ahe Garoowe oo Madaxweyne Gaas uu Dhagax Dhigay isla markaasina uu Xadhigga Kajaray ilaa 6 waddo oo laami ah , Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ayaa waxaa uu Xadhigga ka jaray 4 waddo oo laami ah Halka Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyana uu Dhagax Dhigay sidookalena uu Xadhigga ka jaray waddooyin badan oo halbowle u ah isu socodka bulshaweynta kudhaqan magaalooyinkaasi.

Isku tashiga iyo wax wada qabsiga ku salaysan waddaniyadda ayaa waxaa uu yahay waxa keliya ee horumar lagu gaadhi karo , Haddaba Madaxweyne Gaas ayaa isagoo Arrintaasi ka duulaya Waxaa uu ku dhawaaqay Barnaamij iskaa wax u qabso ah oo uu ugu magac daray "Puntland haysku Tashato”.

Tallaabadii ugu horaysay ee Barnaamijkaasi lagu fuliyey ayaa waxay ahayd Buundadii Middigar ee Sin-ujiif, Libaaxo, Xamurta , iyo Fallaydhyaale oo ay aafeeyeen Duufanadii Cyclone oo Dabayaaqadii Sannadkii 2013kii kudhufatay Gobollada Puntaland Buundooyinkaas oo ku kacday aduun dhaqaale oo gaadhaya $900,000.

Dadweynaha reer Puntland ee Horumarka jecel ee ku kala dhaqan daafaha dunida ayaa arrintaasi aad usoo dhoweeyey isla mar ahaan taana ku tilmaamay horumarkii ugu ballaadhnaa ee Puntland gaadhey muddadii 16ka sano ahayd ee ay jirtey.

Madaxweyne Gaas Kuma Koobnaan oo keliya Dhismaha Waddooyinka ee Gudaha Magaalooyinka waaweyn ee Puntland hasa ahaate Waxaa uu Kudhawaaqay In Dhisamaha Waddada Ceeldaahir ilaa Ceerigaabo oo Lagu Bilaabi Doono Dhismeheeda sida uu Sheegay Madaxweynaha Aragtida Dheer Ee Puntland Barnaamijka "Puntland Haysku Tashato” iyo Waddada Waddaagsin oo dhismeheedii socdo Lagana bilaabay Gobolka Mudugu, iyo Jidka Dheer ee laamiga ahe isku XIdha Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo oo Dhowaan Dayactirkeedii Labilaabi doono loona hayo dhaqaalihi ku bixi lahaa dayactirka jidkaas oo burbur ballaadhani uu soo gaadhey.

Shacbiweynaha reer Puntland ayaa siweyn u mahadiyey una soo dhoweeyey arrintaasi iyagoona ku tilmaamay horumarka Xukuumadda Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ay gaadhey Muddii Sannadka iyo bilaha ahayde ay jirtey inuu yahay horumar la taaban karo sidoo kalena uu yahay mid xawli kusoconaya kaasoo laga dheehan karo sida niyad samida iyo daacad nimadu kudheehantahay ee Madaxweynaha Dawladda Puntland uu ugu adeegayo Shacbigiisa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip