Ha qabsam danbiilaha!!! " Waa Faalo xiiso Badan"

0
Tuesday March 24, 2015 - 10:04:52 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ha qabsam danbiilaha!!! " Waa Faalo xiiso Badan"

    waxeey ahayd maalin kale oo meel madoow ka galaysa taariikhda Soomaalida,waxaan waynay masuuliyiin iyo muwaadiniin ku baxay dhagarta Argagixisada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxeey ahayd maalin kale oo meel madoow ka galaysa taariikhda Soomaalida,waxaan waynay masuuliyiin iyo muwaadiniin ku baxay dhagarta Argagixisada. maqaalkaan waxaan ku ifinaynaa waxa uu weerarkaan uga dhiganyahay Shabaab, dadwaynaha Somaaliyeed waxa la gudboon iyo saamaynta uu ku reebayo Dawladda Soomaaliya.

Argagixisada

haddii aan ku hormaro iyo falkoodii,inagoo dib u eegaynaa ficiladoodii layaab wayn naguma noqonayo waana shaqo maalmeedkooda caadiga ah in sida ardaygu ugu kalaho waxbarashada,ama ganacsaduhu ugu mashquulo suuqa ayay ugu maqanyihiin nuuc kasta oo ay ku waxyeeleen karaan hadba intii ay heli karaan waliba sida ay falalkoodu u kala waxyeello badanyihiin ayay ugu kala muhiimsanyihiin,in ay fuliyaan falal nuucaan oo kala ah waa arki karaa maadaama ay yihiin koox dhamaanteed aan lahayn camal aan ahayn dil waxaana mararka qaar caawinaya in ay gacmaha ay wax ku fuliyaan yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo maskaxda laga badalay halka macalimiintu ay yihiin ajaanib noloshoodu ku tiirsantahay meel aan daganayn maadaama ay danbiyo ka galeen dunida deggan.


aan eegno maxeey ku kordhinaysaa kooxda­­­­ oo maalin kasta aan areyno iyagoo dhuminaya dhulkii ay gacanta ku haysay,dhimashada horjoogayaashooda,kala qaybsanaanta dhexdooda ah oo waagii barya badanaynsa iyo badashada inta ka bogsoonaysa cudurka argagixisada

inagoo ku dhisayna weeraradii ay kooxdu horay u fulisay oo aan daawayn dhamaan xaaladaha aan soo sheegnay waxaan dhihikarnaa hal shay unbaay ku kordhinaysaa tani, taas oo ah danbiga ay galayaan unbaay ilaah agti iyo noolaha dunida dareenkooda sii badinaysaa.

Shacabka

Dadka Soomaaliyeed oo ah dhibanayaasha falalka Argagixisada,dhawr siyaabood ayuu weerarkasta u taabtaa dadkeena,1-meelkasta oo ay argagixisadu fal ka fuliso waxaa si toos ah iyo si dadban ugu dhibtooda ha ahaato dhimasho,dhaawac,xarig,sumcad-darro dalka gaarta iyo kuwo kale.

inkasta oo aan hubo in inta badan Soomaalidu ay muujiso nacaybka ay u hayso kooxahaan,hadana waxaan la inkirikarin in fal kasta oo ay maleegayaan kooxdaan uu ka war hayo ugu yaraan hal qof sida milkiilaha goobta lagu diyaarinayo,dariska,ganacsadaha laga iibinayo waxa la isticmaalayo ama xitaa uu qofkeen yaqaano qaar ka mid ah maranhabawsanayaasha lana wadaagin macluumaadka Amniga ha ugayso cabsi,ku qanacsanaan ama ha is yiraahdo maxaa kaa quseeya haduusan adiga kuu socon hadana aan dhamaanteen milicsano natiijada falka oo haddii uusan maanta ku saamayn aadan ogayn barri waxa dhacaya, waloow aan hubo in qaar badan ay ka shalaayaan marka uu fal ay qarsadeen galaafto qof ay jelaayeen,waxaa kaloo xusuus mudan in aan maskaxda ku hayno qaybta aad ku yeelankarto dunuubta ka dhalata wixii aad qarisay.

hadaba soo nalama gudboona marka aan garawsano xaaladahaan, kuna darno halka ay noo waddo Argagixisadu oo ka bilaabata dil kuna dhamaata dil in aan ku noqono maskaxdeenna si kale haddii aan u dhigno soo madhihikarno soo afjaridda arinkaan waxeey imaanaysaa maalinta aan dhamaanteen noqono ciidamo ka dhan ah falalkaan mar haddii aan dhamaanteen isla garanay in aan nahay dhibanayaal intii aan ka koobnaanlahayn kuwo maanta ku baxa arinkaan,ku dhaawacmay u barooranaya kuwii ay jeclaayeen ama sugaya wadadaas waatii maahmaahdii ahayd gayrkiis loo xiiryoow adna soo qooyso.

dawladda

inteenna ka warqabta dadaalka Dawladda ee ladagaallanka cadawga waan qirsanahay in wax badan laga naafeeyay ku tala galka Argagixisada, tusaalaha ugu yarna waxaan ka dhigayaa bal qiyaas inta qof ee ay doonayaan in ay dilaan Shabaab ka dibna soo qaado inta maleeshiyaad ah ee raadinaya dadkaas ka dibna u qaybi inta ay fuliyaan una fiiri maalinle,kaba soo qaad in Muqdisho ay maalin kasta diyaariyaan in lasoo dilo 50 qof, miyay sidaas u dhacdaa jawaabto waa maya, libtaa soo ma siinkarno Ciidamada anagoo aan halmaamayn qadarka alaah iyo caawinaada Shacabka,

inkasta oo ay taasi jirto hadana kama saarayso meesha waajibka Dastuuriga ah ee faraya Dawladda in ay sugto amniga muwaadiniinteeda,qaar badan oo naga mid ah marka ay arkaan sida ay Argagixisadu u badbadalayso tabaheeda waxaa markiiba kusoo dhicikarta maa Dawladdu diyaarsato qubaro ayana diyaariya sidii looga hortagilahaa dhagartaas isla markaana daraaseeya hadba meesha aan ka nugulnahay waloow ay macquultahay in ayba jiraan haddaba.

gunaanad

dhamaanteen Dawlad iyo Shacaba mar haddii aan wadanahay dhibinayaal waa in aan muujinaa midnimo,geesinimo maskax,muruq iyo maalna isugu gayno sidii aan uga adkaan laheyn kuwa doonaya in ay nagu hayaan daganaasho la’an, dibna u dhigano waxyaabaha yaryar ee aan ku kala duwanahay inta aan ka adkaanayno cadawga aan midkeenna dhaafayn.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip