
Sheekadii Abaalmarin Jacayl waxaa qoray: Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Raasi)
Dulucda sheekadu mar waa kalgacal iyo jacayl dhexmaraya laba is-jecel oo ah Dhool iyo Raage, marna waa dhaqan iyo suugaan, marna waa dalxiis goobo badan oo dalka ka mid ah lagu safrayo oo runtii hilow kugu beeraya, marna waxay ka turjumaysaa sida qofka jacaylka u samraa uu sedkii u helo, marna waa ciil, murugo, silic iyo saxariir nololeed. Inkastoo sheekadani tahay mid dhab ah waxa haddana gundhiggeedu yahay waayaha iyo duruufta ay la kulmeen markii iyagoo isku sidkan dagaalladii dalka ka dhacay 1991kii kala irdheeyeen. Waxaase cajaa’ib iyo lama rumaystaan ahaa in labaatan sano kaddib xiriirkii kalgacal dib loo unkay si laysku helayba iyadoo Dhoolna dalka joogtay wixii huq iyo hagardaamo dadka soo marayna ay dusheeda ka muuqdaan iyadoo dhawr ninna soo guursatay. Raagena uu qurbaha galay oo welina doobyahay jacaylkii beri-samaadkiina boog jacayl ku beeray boggiisa.
Daabacaadda 1aad 2014, Muqdisho
Daabaacadda 2aad 2016, Muqdisho
Sheekadii Abaalmarin Jacayl waxaa qoray: Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Raasi)
Abaalmarin Jacayl: inta la ogyahay sheekooyinka laga qoray jacaylka waa tii ugu waqtiga dheerayd geyiga Soomaalida, waxayna socotay muddo dhan labaatan iyo laba sano, waxayna ka dhacday magaalada Xamar taariikhdu markay ahayd 1988kii illaa 2010kii wa