Akhriso 19 Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Muujiyay Dadaal Horumarineed iyo Wadaniyad

0
Sunday May 17, 2015 - 14:35:32 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 3494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso 19 Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Muujiyay Dadaal Horumarineed iyo Wadaniyad

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Akhristayaal waxaan halkani idiin ku soo gudbinayaa magacyada 19 dhalinyaro Soomaaliyeed oo muujiyay wadaniyad iyo howlkarnimo ay kor ugu qaadayaan Sumacada dadka iyo dalka.

Taariikh nololeedka 19 dhalinyaro oo loo aqoonsaday  in ay  yihiin Xidigaha Soomaaliya. Waa bilawgii Campaign 100-ah.  Oo lagu helayo dadka u dadaalay dalka magacna u soo hooyay.

1-Taariikhda Barkhad Cabdi.

Waxa uu ku dhashay Magaalada Muqdishu bishii april 10 sanadkii 1985,dagaalkii sokeeye kadib  isaga iyo qoyskiisa waxa ay u qaxeen dalkayemen ,xilligaa da`diisa waxa ay aheyd 7 jir.Halkaas ayuu aabihii kanoqday macalin iskoolada yemen wax ka dhiga ,muddo kadib sanadkumarkuu ahaa 1999 ayay isaga iyo reerkiisa dib u dejin ka heleen dalka mareykanka waxaana la dejiyay magaalada   Minneapolis oo ka tirsanGobolka Minnesota halkaas oo ay ku nool yihiin Bulsho Soomaaliyeed ooaad u balaaran.

Inta uusan ku biirin Shirkada Filimada Hollywood waxa uu ka soo

shaqeeyay dukaan lagu iibiyo Moble-lada oo uu lahaa walaalkii,waxa

kale uu darawalnimo uga soo shaqeeyay shirkada kala ah  chauffeur

company iyo Disc Jockey,waxa uu ku guuleysta bilada kala ah AcademyAward, Golden Globes iyo Bafta isagoo noqday Xiddiga ugu wanaagsan. Waana halyay dhalinyaro ah oo ku dayasho mudan.wuxuuna kor u qaadeymagaca Soomaaliyeed

2-Taariikhda Keynaan Cabdi Warsame.

 Waxa uu ku dhashay Magaalada Muqdishu Bishii Febraayo 1 sanadkii 1978waxa uu waxbarashadiisii hoose ku qaatey magaaalada muqdishu ,waxadalka ka baxeen isaga iyo qoyskiisa sanadkii markuu ahaa 1991 waxaatageen magaalada Newyork ee dalka Mareykanka,waxayna halkaasi kusugnaayeen muddo sanad barkii ah,kadib waxay degeen dalka Kanada gaarahaan magaalada Toronto.Keynaan waxa uu noqday wiil Gabyaa,wiil heesa

ah,heesa qoraa ah  iyo   Muusik garaace,wuxuu ku guuleystay Heestiisiicaanka noqotey ee lagu magacaabi jirey "Waving`Flag" wuxuuna kuguuleystay tartankii loo galay heesta furitaan koobka aduunka ee2010-kii tartankaas oo ay qabatey shirkada Koka-kola,waxaana kaalintakowaad galay wiilka Dhalinyada ah ee soomaaliyeed Keynaan. Waana halyay Dhalinyaro ah oo ku dayasho mudan.wuxuuna kor u qaadey CalankaSoomaaliyeed.

 3-Taariikhda Cabdisalaan Cabdulqaadir Ibraahim (C/salaan Cadaay).

waxaa uu ku dhshay magaalada Muqdishu bishii May 1 sanadkii 1991,sagaal jirkiisii ayay isaga iyo qoyskiisii u qaxeen dalka

Norwey,halkaas ayuu ka bilaabay Ciyaarista kubada cagta wuxuuna markiiugu horeysay ku biirey kooxda lagu magacaaboOyer-tretten markaa kadibwuxuu soo marey kooxo kale oo ka dhisan dalka Norwey ilaa laga soogaaro sanadkii 2007 oo uu ku biirey kooxda Manchester City  wuxuunanoqday Ciyaartoy caan ah oo Soomaaliyeed.wuxuuna kor u qaadey magacaSoomaaliyeed.

4-Taariikhda Mohamed Mukhtaar Jaamac Farah oo loo yaqaan Mo Farah.

Waxa uu ku dhashay Magaalada Muqdishu Bishii Maarso sanadkii

1983,waxaa yaraantiisii la geeyay dalka Ingiriiska,wuxuuna

waxbarashadiisii hoose ilaa jaamacad ku qaatey dalka ingiriiska

wuxuuna qaatey dhalashada dalka ingiriiska wuxuu ahaa mid faham badan,wuxuu ka mid noqday ciyaartoyda orda orodka dheer iyo

midka dhexe 5000m-10.000m, waxa uu dhigay New English Record kadibmarkii uu ku orday 2 saac 8 daqiiqo  iyo 21 ilbiriqsi,waxa kale oo uunoqday European Record ,waxaa kale oo uu noqday World Record  1500 mwuxuuna qaatey bilada Dahabka ah.

 5-Taariikhda Hodon Naaleeye.

 Waxa ay ku dhalatey Soomaaliya waxayna ku kortey soomaaliya waxa aydalka ka qaxeen iyada iyo waalidkeeda lix jirkeedii oo ku beegan sanadkii 1984 waxayna u qaxeen dalka kanada waxay jaamaca Windsor ka qaadatey BA in Communication waxa ay qeyb weyn kaqaadatey soo celinta sharafta iyo dadnimada dadka soomaaliyeed iyadooqabatey barnaamijyo badan oo ay kaga hadleysay dad soomaaliyeed iyodalka soomaaliyeed.Hodon waxay barmaamij balaaran oo ay kaga qeybqaadaneysay run ka sheegida xaalada uu haatan ku sugan yahay iyadoo usoo bandhigeysa soomaalida ku nool dibadaha iyo dadyowga kale ee

daneynaya soomaaliya.waxa noqotey gabadha sanadka 2014. Waxaynaleedahay barnaamijka ka baxa Tv kanada oo la yiraahdo Integration TV.waa gabadh soomaalinimadeeda ku faanta.

6-Taariikhda Dr. Caasha Cumar Axmed oo loo yaqaan Caasha Keblow.

 Waxa ay ku dhalatey Magaalada Muqdishu  waxayna waxbarashadeeda kuqaadatey isla magaalada kuqdishu qiyaastii sanadkii 1988 ayay uambabaxday dalka talyaaniga waxayna ka bilowday  jaamacada caafimaadkawaxayna ku taqasustay caafimaadka haweenka waxay dalka dib ugu soolaabatey burburkii kadib waxayna qeyb weyn ka qaadatey badbaadintahaweenka soomaaliyeed waxy dib u dayactirid ku sameysay Cisbitaalka Di

martino,ayaa qaaday Laba Bilado od oo caalami.waa gabadh nafteeda uhurtay badbaadinta hooyooyinka soomaaliyeed  waa gabadh ku dayashomudan.

 7-Taariikhda Drs.Deeqa Maxamed Cabdi iyo Drs,Aamina Maxamed Cabdi(Gabdhaha Drs.Xaawo Cabdi).

Waxa ay ku dhsheen Magaalada Muqdisho waxayna ku barbaareen islamagaalada muqdishu waxa ay barteen cilmiga caafimaadka waxayaqoontooda jaamacadeed ku soo qaateen dalka dibadiisa,hooyadoodDrs.Xaawa cabdi furatey Cisbitaal yar oo ku yaala inta u dhexeysaMag.Muqdishu iyo Deg. Afgooye kadib dagaaladii sokeeye ayaycisbitaalkeedii  u bedeshay meel hooyada iyo dhalaanka lagu daryeelosi bilaash ah xiligaas oo baahio weyn loo qabay. Drs.Deeqa iyo Drs. Aamina waxa ay qeyb weyn ka qaateen dadaaladii lagu badbaadinayayHooyooyinka iyo dhalaanka soomaaliyeed waxaa xaruntooda soogaarayhooyooyin iyo dhalaan gaaraya 90.000.Waxay ku guuleysteen Abaalmarinocaalami ah

8-Taariikhda Fanaanada Hibaaq Maxamed Cabdullaahi.

Waxa ay ku dhalatey Magaalada Muqdishu Sanadadii 80-meeyadii,iyadooyar ayaa reerkeeda u guureen dalka Holland,haddana waxa ay kunooshahay Dalka Britian. Waxay fanka ku soo biirtay sanadku markuu ahaa2012 iyada oo qaadey Heestii Caanka Noqotey ee wadaniga aheyd oo aykaga hadlaysay Doorashadii xilligii kala guurka oo laga guurayayDawladii kumeel gaarka aheyd waxay kaloo caan ku noqotey Heestii SouthAfrikaay oo ay kaga hadlaysay Dhibka iyo Silica Soomaalida ay kala

kulantey South Afrika iyo Sida Soomaaliya ay qeybta weyn uga qaadateyhalgankii dadka madow ay ku doonayeen in ay iska xoreeyaan cadaankiitirada yaraa iyo waxa abaalka looga dhigay.Waa Gabadh wadaniyad ah ooku dayasho mudan.

 9- Taariikhda Iman Elman.

 Waxa ay ku dhalatey Magaalada Muqdishu waxayna iyada oo yar qoyskeedaka qaxeen magaalada muqdishu kadib markii Aabaheed lagu dilaymagaalada Muqdishu waxaana lagu magacaabi jirey Elman Cali axmedwuxuuna u ololeyn jirey Caruurta derbijiifka iyo kuwa waalidkoodadaryeeli karin,waxayna u qaxeen dalka Kanada halkaas ayayna waxbarashadeedii ku soo dhameysatey kadib waxa ay dib ugu soolaabatey dalka waxayna ku biirtey Ciidamada Xooga Dalka iyadoo kaalin firfircoon ka qaadatey ladagaalanka Kooxda UGUS. Waa gabadh ku dayasho mudan.

 10-Taariikhda Maxamed Maxamuud Sheekh.

Waxa uu ku dhashay Somalia sanadkii 1991 waxa uu wax ku bartey dalkaMaleesiya  waxaana uu ka soo qaatey jaamacad ku taala dalkaaasshahaadada Bechelorka,waxa uu ka soo shaqeeyay Gegida Diyaaradaha eeMagaalada Dubai dalka Imaaraadka Carabta. Kadib markii uu Ogaadey indalka Nabadiisii dib loo soo celiyay ayuu dib ugu soo laabtey isagoowata fikrad maalgelineed wuxuuna ku dhaqaaqey in uu furto Laundarycasri  oo baahi weyn loo qabey,wuxuuna noqday qofkii ugu horeeyaymuddo 25 sano kadib magaalada Muqdishu ka fura Laundary casri,wuxuuna

ka sameeyay Daqli fiican.Waa mid ku dayasho mudan.

 11- Fanaanada Farxiya Axmed Cadaawe (Farxiyo Fiska).

Waxa ay ku dhalatey Deegaanka Wabxo oo qiyaastii 60 Km u jirta

Deg.Ceel-Buur G/Galgaduud,waxayna dhalatey  13/8/1984 ,waxaa iyadooyar oo 6 jir ah  reerkeeda u guureen dalka Kenya mudo kadib waxay uguureen dalka Talyaaniga xilligaa oo ay da`deeda aheyd 9 jir,muddo 7sano ah ayay ku nooleyd dalka Talyaaniga.kadibna waxa ay u wareegtayDalka Britian, Waxay fanka ku biirtay 2007,waxayna noqotey Fanaanad lajecel yahay oo cod macaan,Dabeecad furfuran inta badana faraxsanarintaas oo tageerayaal farabadan u soo jiiday. Waa  Gabadh MustaqbalFaneed leh oo bulshada ay jeceshahay.

 12- Taariikhda G/sare Cabdullaahi Macalin Nuur.

 Waxa uu ku dhashay magaalada Muqdishu sanadkii 1976,waxa uu

waxbarashadiisa D/Hoose,Dhexe iyo sare ku qaatey magaalada

Muqdishu,kadib burburkii waxa uu u qaxay dalkaMareykanka.

waxa uu dalka ku soo laabtey xilli adag oo kooxahaqawaarijka duulaan ku ahaayeen dadka iyo dalka soomaaliyeed wuxuunakaalin weyn ka qaatey sidii loola dagaalami lahaa kooxda Ugus,wuxuuabaabulay dhalinyaro naftood hurayaal ah oo qeyb weyn ka qaatey sidii dhiigyacabyada looga sifeyn lahaa degmooyinka G/Banaadir.

 Arintaaswuxuuu ku muteystay in loo dalacsiiyo in ka mid noqdo saraakiisasar-sare ee Ciidanka Xooga Dalka,waana sarkaal ku dayasho mudan oohowlkar ah.

 13- Taariikhda Gen.Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.(Cabdiraxmaan Cumda).

 Waxa uu ku dhashay Magaalada Muqdishu Sanadadii xilli ku beegan

1978-kii,waxaa la geeyay Dugsi quraan,wuxuuna noqday mid xaafid ku noqday Quraanka,kadib waxaa la geeyay dugsiga hoose/Dhexe wuxuuna noqday midkaalinta kowaad ka galay imtixaankii shahaadada D/Dhexe,D/Sare ayuu kubiirey wuxuuna noqday mid caan ka noqda Dugsigiisa oo ardada la fasalka ah ay ku hirtaan una noqda mid tusaale u noqda kadib markii uuku guuleystay imtixaankii D/sare ayuu ku biirey Jaamacada Muqdishu.

 

isagoona ka qalin jebiyay kana  qaatey shahaadada Bechelorka. Kadibwuxuu waxbarasho u aaday dalka Masar oo uu ku soo qaatey ShahaadadaMaster-degree-ga,isagoo ku taqasusay Heshiisyada caalamiga iyo amniga(Security),haatan wuxuu  diyaarinayaa Shahaadada Phd- ga isagoo kutaqasusaya xiriirka caalamiga,

 wuxuu dalka ka soo qabtey xilal kaladuwan kuwaa uu ku muteystay amaan iyo qadarin,wuxuu safka hore ka galay burburinta iyo ladagaalanka Kooxda Ugus,I sagoo lagu abaalmeriyay in uu hogaamiyo hay`ada Sirdoonka iyo Nabadsuggida qaranka.Waa halyayqaran oo ku dayasho Mudan.

 14-Taariikhda G/Dhexe Zakia Xuseen Axmed.

 Waxa ay ku dhalatey magaalada Muqdishu taarikhdu markeey aheyd 5 Febraayo 1984, iyada oo da’ yar beey qoyskeeda u kaxeen wadanka Sweden halkaas eey ku dhameeysatay Dugsiga hoose, dhexe iyo sare.

2002 ayay iyada iyo waalidkeed u guureen dalka Britian halkaa ee ku dhameeystirtay waxbarasho heer jaamacad eena qaadatay shahaadooyinka. Bachelor iyo labo Master. Intii ee jaamacada dhiganeeysay waxeey babar waday waxbarashada diinta Islaamka waxeeyna ku barmoostay imtixaan laga abaabulay dalka Sacuudiga waxeeyna qaadatay shahaado macalin Quraan ah. Ilaa iyo yaraanteed waxeey mar walba ku mashquulsaneed isku xirka dhalinyarada taasna waxeeyna ka gaartay guulo weyn iyada oo loo aqoonsaday hoggaamiyaasha dhalinyarada u sar sareeyo ee qurbaha. Waxeey dalkeeda ku soo laabatay 2013 markaas ee maamulo ka noqotay machad cilmo baaris ah oo loo yaqaan Heritage Institute.

 Sanad ka bacdi waxeey go’aansatay in ee ka mid noqoto ciidanka soomaaliyeed waxeeyna ku biirtay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Isla markii waxaa laga dhigay Taliyaha Hoggaanka Isku xirka Bulshada iyo Booliska (Community Policing),

 iyada oo noqotay gabarta ugu horeeyso oo taliye hoggaan ka noqoto ciidanka booliska soomaaliyeed. Waa Sarkaalad ilaahay hibo u siiyay curinta,tilmaan u ahGabdhaha Soomaaliyeed ee xilligaan waana Gabadh ku dayasho mudan.

 15- Taariikhda Xasan Muuse Dudde.

 Waxa uu ku dhashay Magaalada Muqdishu Waxna ku bartey sanadadii 80meeyadii uu waxbarasho u aadey dalka Talyaaniga kadib waxa uu uga siigudbay dalka Britian,waxa uu horjooge u noqday DhalinyaradiiSoomaaliyeed ee u hinqatey Dib-u eegida Dhaqaalaha Dalka iyo Dalkooda. Xasan waa nin dhalinyaro ah oo dadaalkiisa aad u xoogan yahay.waaHorseede ku dayasho mudan.

16- Taariikhda Caydaruus Maliboy .

Waxa uu ku dhashay kuna Barbaarey Soomaaliya kadib waxa uu u qaxay Dalka Dibadiisa halkaas ayuu ka bilaabay Fanka wuxuuna noqday FanaanDa`yar oo inta badan ku caan baxay Heesaha Wadaniga,wuxuuna soo saarey Heeso tayo iyo Jilitaan wanaagsan,

 siiba kuwa dhalinyarada lagu kiciyowaana fanaankii ugu horeeyay ee qaabkaan la soo shirtaga.Fanaankanayaa leh hab Masraxeed aad u wanaagsan,waana fanaanka keliya ee fankiisa ku bilaaba Heeso wadani ah kuwaa oo soo jiitey dhalinta

soomaaliyeed kuna Beeray Wadan Jaceyl.

Waa Fanaan la jecel yahay ooqeyb weyn ka qaatey soo nooleynta Heesaha wadaniga.wuxuuna noqday miday ku soo hirtaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

17- Taariikhda Ifraax Axmed.

 Waxa ay ku dhalatey Soomaaliya, sanadkii 2006 ayay u haajirtay Dalka Ireland,waxay la shaqeysay dhowr hay`adood oo isugu

jira Soomaali iyo kuwa ajnabi ah waxaana ka mid hay`adda Amnesty

International iyo Unicef.

Waxaay haatan ee tahay la taliye dawlada FederaalkaSoomaaliyeed dhinaca xalinta arimaha bani-aadanka. Sanadkii 2010 waxayaas-aastey ururkii dhalinyaro ee Soomaaliyeed oo ahaa ururkii ugu horeeyay ee laga aas-aaso dalka Ireland waxayna taageero u fidisay dhalinyada soomaaliyeed iyadoo kataageertay dhinacyada ganacsiga,hal-abuurka iyo farshaxanka.waxayolole u gashay joojinta Gudniinka Fircooniga iyadoo ku muteysateyBilad caalami ah.Waa gabadh dhalinyaro oo Firfircoon tusaale u noqotey gabdhaha soomaaliyeed  ee xilligaan jooga.

18-   Taariikhda Cabdikaafi  Maxamuud  Makaraan.

Waxa uu ku dhashay oo uu wax ku bartey Magaalada Muqdishu, jaamacadaJobkey ayuu ka qaatey shahaadada BA degree,wuxuu qeyb weyn kaqaatey dadaalkii iyo isku dabaridkii dhalinyada degmada Kaaraan halkaaayuu ka bilaabay isku xirka dhalinyarada gobolka isagoo si weyn uga  hor tegay in dhalinyada ku biiraan kooxaha xag-jirka sida Ugus,

wuxuunaku muteystay Amaan balaaran oo uga timid madaxda qaranka iyodadweynaha soomaaliyeed, taasoo keentay in loo doorto GudoomiyahaUrurka Dhalinyada G/banaadir oo ilaa haatan uu yahay.waa wiildhalinyaro ah oo mustaqbal ifaya leh oo lagu dayan karo.

 19- Taariikhda Gudoomiyaha Deg.Shibis Md. Cabdi Fataah Nuur.

 Waxa uu ku dhashay Magaalada Muqdishu sanadkii 1979 waxa uu wax kubartay isla magaalada Muqdishu,wuxuuna waxbarashadiisa sare ku soo qaatey dalka Suudaan,kadib wuxuu kamid noqday dhalinyadii ka qeybqaadatey sidii loo burburin lahaa kooxda Ugus.

 Muddo kadib waxaa sanadkii 2014 loo magacaabay Gudoomiyaha Degmada Shibis wuxuu caan ku noqday  u shaqeynta dadweynaha Degmada Shibis wuxuuna ku muteysytay Amaan iyo shahaadooyin kale duwan,waxaalagu xasuustaa sidii uu degmada uu gudoomiyaha ka yahay uga cirib tirey haraadiga Ugus.waana shaqsi ku dayasho mudan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip