
Taariikh Nololeedkii AUN S/Gaas Jaalle Maxamed Siyaad Bare Iyo Xiligii Uu Ku Soo Biiray Ciidanka.
Wuxuu ku dhashay Miyiga, inkastoo warbaahinta rasmiga ah ee Kacaanku ay qori jireen inuu ku dhashay deegaanka Baardheere. Waxaa la qiyaasayaa in Gen Max’ed Siyaad Bare uu dhashay Sanadkii 1912-kii in kastoo wargeysyada rasmiga ah ee Kacaanku ay qori jireen inuu dhashay Sanadkii 1920kii.
Max’ed Siyaad Bare
hooyadiis waxaa lagu magcaabi jiray Shaqlan
Warfaa, waxeyna geeriyootay isagoo sideed jir ah, Aabihiina wuxuu
geeriyooday 2 sano kaddib.
Gen Max’ed Siyaad Bare isagoo
10 jir ah, waxaa soo koriyay aderkiis Xirsi Bare iyo ayeeydiis Sacdiyo, wuxuuna
ahaa curadkii Siyaad Bare oo lagu naaneesi jiray "Siyaad Garba Weyne”, inkastoo
ay dadkii yaqaanay Max’ed Siyaad Bare ay sheegeen in aabihiis Siyaad Bare lagu
dilay dagaal beeleed uuna ahaa abaanduulihii colkaasi.
Balse Radio Muqdisho iyo
Wargeysyada Kacaankuba waxa ay qori jireen in uu Siyaad Bare ahaa halgamaa weyn
uuna ka mid ahaa Ciidamadii uu hogaaminayay Cumar Samatar oo gumeysigii
Talyaaniga la dagaalamayay una ku shahiiday aagga Ceel Mirikh oo ku yaalo
deegaanka Dhuuso Mareeb Sanadkii 1930-kii .
Xersi Bare oo ahaaa
Max’ed Siyaad Bare adeerkiis, gacantana ku haayay waxaa la dilay 3 sano ka dib
dhimashaddii Siyaad Bare oo ku beegneyd Abaarihii Sanadkii 1933-Kii.
In kastoo Madaxweyne
Maxamed Siyaad Barre yaraantiisi uu ahaa wiil yar oo reer miyi ah kana soo
tagay Xoolihii Miyiga uu ku xanaaneyn
jiray iyadoo xilgaasi reerahooda ay deganaayeen aaga Ceel-gaab.
Markii ugu horeysay waxuu
yimid sida Taariikhda ku xususan Degmada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Gal-guduud,
wuxuuna uga sii gudbay magaalada Beledweyne, wuxuuna nasiib wanaag la kulmay
askar halkaa lagu qoraayay oo uu ka mid noqday dhibowga ciidamada waxa uu ku
galay xerada tababarada ee Beledwenye Sanadkii1936-dii.
Max’ed Siyaad Bare Markii
uu tababarka u dhamaaday waxaa loo soo bedelay Magaalada Muqdisho, si uu
tababaro dheeri ah oo ciidanimo ugu sii qaato Xero Ciidan oo ku taalay degmada
Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho.
Max’ed Siyaad Bare wuxuu
ka tagay howshii ciidanimada 1939-kii, kaddib markii loo
soo sheegay geeridii adeeradiis oo kale ahaa Jaamac Bare iyo Maxamed Bare
wuxuuna aaday deegaanka Ulasan ee ka tirsan Degmada Dhuuso Mareeb oo ay reerahiisu
deganaayeen.
Max’ed Siyaad Bare miyiga
ayuu degey wuxuuna ku guursaday Xaaskiisii ugu horeeysay oo lagu magacaabo
jiray Faadumo Aw-Muse Sanadkii 1941-dii markaas oo uu
Ingiriisku kala wareegay awoodii dalka Soomaaliya Taliskii Talyaaniga oo
dagaalkii aduunweynaha labaad looga itaal roonaaday.
Max’ed Siyaad Bare isla
sanadkaasi wuxuu ku biiray Ciidamada Ingiriiska, wuxuuna qaatay dalacaadii ugu
horeysay oo aheyd Alifle Sanadkii 1941-dii, Alifkii labaadna wuxuu qaatay
Sanadkii 1944tii, waxaana waxbarasho
loogu diray Magaalada Nairobi Dugsigii lagu magcaabi jiray "Gin School” waxaana
tababarkaas kaddib uu qaatay Darajada kormeere Koowaad Sanadkii 1950-kii.
Markii Talyaaniga Dalka
uu ku soo noqday, Gen Max’ed Siyaad Bare oo saddex xarigle ah waxaa loo qaaday
dalka Talyaaniga Sanadkii 1952-kii .
16-kii October, 1954-tii ayuu qaatay Maxamed Siyaad Bare Xidigtii ugu horeysay waxa
uuna noqday Sarkaal Maxamed Siyaad Bare wuxuu laba xidigle u dalacay Sanadii 1955-kii Sanadka markuu ahaa 1957-kii
waxa uu u Dalacay Darajada kabtan ama Dhamme Sanadkii Xigay 1958-kii Max’ed Siyaad Bare waxa uu noqday Dhamme ka tirsan Ciidanka
Booliska Soomaaliyeed waxaana loo magacaabay Xafiiska Ciidanka Booliska
Soomaaliyeed.
Sanadkii 1960-kii, waxaa la dhisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu
hogaaminayay Generaalkii sida aadka ahaa loo jeclaa Gen- Daauud C/laahi Xersi
oo markii uu geeriyooday Sanadkii 1965kii isla Sanadkaasi Gen
Max’ed Siyaad Bare ayaa loo magcaabay Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
(XDS).
Sanadkii 1969kii koox ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka
Soomaaliyeed oo uu hogaaminayo Gen Jaalle Maxamed Siyaad Barre oo ahaa Taliyihii
Ciidanka af-gembi lama filaan ah ay kula wareegeen awooda talada wadanka ayaga
oo hal habeen ku qabsadey magaalo madaxda Muqdisho, halkaasi oo ay kaga
dhawaaqeen dowladii Kacaanka Ummadda
Soomaaliya.
Jaalle Siyaad wuxu
wadanka u hor kacay horumar degdeg ah oo muuqda, ayadoo si iskaa-wax-u-qabso ah
loo dhisey wadooyinka, dugsiyada, xarumaha bulshada, cusbitaalada iwm Sidoo
kale waxaa dowladu ay la wareegtay maamulka iyo faro ku heynta Bangiyada, Beeraha ,Shirkadaha muhiimka ah, Warshadaha iyo
dhamaan wixii muhiim ahaa sida Ganacsiga iyo
Baayac-mushtarka.
Dowladu waxay si qeexan u
mamnuucdey Qabyaalada, qoloqoleeysiga iyo iskala-sooca
bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ah taasi oo si shaaric ah loo aasay qabyaalada,
isla markaana lagu dhawaaqey in shacabka wadanku siman yihiin meel kasta ooy ka
soo jeedaan ama qolo kasta ooy ku abtirsadaan.
Waxyaabaha ugu waawayn ee Kacaankii Ummadda
Soomaaliyeed ku soo kordhiyeen
waxay ahayd hirgelinta qoritaanka Far Soomaaliga, taasi oo noqotey mid
dhaxalgal u ah bulsho weynta ku hadasha Luqada Af-Soomaaliga. Si loo fidiyo loona
kobciyo qoritaanka luuqada Soomaaliga dowladuna waxay samaysay Ololihii Af-Soomaaliga ee bilaabmey Sanadkii 1974kii,
wakhtigaasi oo dugsiyada la xiray si 25,000 oo arday iyo 3,000 oo ka tirsan Askarta Ciidanka Xoogga Dalka ay tegaan miyi iyo magaalo si
ay u soo baraan qoritaanak farta cusub e Af-Soomaaliga dhowrkii sano ee xigay
waxaa dowladu ka gaadhay heer sare ololahaasi baritaanka farta Soomaaliga waxa
ayna sii kordhisey dadaalkii iyo tababaradii.
Sanadihii badnaa ee uu hayay
talada dalka S/Gaas Jaalle Maxamed Siyaad Barre wuxuu gaadhsiiyey ummadda iyo
wadanka Soomaaliya heerkii ugu sareeyay ee Soomaali waligeed gaadho.
Waxaa horumar muuqda lagu
sameeyay wax soo saarka wadanka waxaa la dhisay warshado faro badan Xaga Ciidanka
Xoogga iyo kuwa qalabka sida aad ayaa loo dhisay iyagana, waxeyna Soomaaliya ka
mid noqotey shanta wadan ee ugu awooda badan Qaarada Afrika Dhaqaalaha, Waxbarashada, Caafimaadka
iyo Shaqooyinka ayaa si xoowli ah u koray in kastoo Dadka Soomaalida 90% ay
ahaayeen reer miyi balse markii danbe ay noqdeen 40% reer magaal aqoon leh.
Si kastaba ha ahaatee, 21kii
sano ee xukunka milatari ka dib ayaa xoogii Kacaanka Umada Soomaaliya lagu
khasbey ineey ka baxaan magaalo madaxda wadanaka taasi oo ay ka dambeeyeen
ururo mucaarad ah iyo dagaalyahano ka soo horjeeday maamulkii kacaanka.
Bishii Janaayo 26keedii
Sanadkii 1991kii ayuu S/Gaas Jaalle
Maxamed Siyaad Barre ka degay maamulka iyo hoggaanka talada Dalka ee uu maamulayay
muddo 21-sanadood ah aaqirkiina wadanka ayuu isaga cararay.
Gen Maxamed Siyaad Barre Alaha Unaxariistee isagoo 75 sanno jir ah ayuu ku geeriyooday magaalada Lagos ee Dalka Nayjeriya Oktoobar 26keedii Sanadkii 1995kii. waxaa lagu aasay Dalka gudahiisa Gaar Ahaan Gobolka Geddo ee uu ka soo jeeday .
W/Diyaariyay Oo Soo
Ururiyay Taariikhdan Kooban
Tifaftiraha Idaacada
Ciidamada Qalabka Sida
Al-Ustaad Cumar Maxamed
Kulmiye
Fadlan Ilaali Xuquuqda
Qoraalka
Taariikh Nololeedkii AUN S/Gaas Jaalle Maxamed Siyaad Bare Iyo Xiligii Uu Ku Soo Biiray Ciidanka.
S/Gaas Jaalle Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku dhashay magaalada Garbahaarey, ee Gobolka Gedo bishiii Oktoobar 6-dii Sanadkii1919kii.