Madaxweynaha: ''Barnaamijka isku dhafka ciidanka waa ajenda qaran oo mideynaya shacabka dibna u soo celinta kalsoonidii ka dhexaysay"

0
Tuesday May 12, 2015 - 19:02:34 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha: ''Barnaamijka isku dhafka ciidanka waa ajenda qaran oo mideynaya shacabka dibna u soo celinta kalsoonidii ka dhexaysay"

    Munasaabada oo lagu qabtay Xarunta wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyay ka qaybgalkeeda Ra'iisul wasaare ku xigeen ahna ku simaha Ra'iisul wasaaraha ,wasiirada Gaashaandhiga iyo Warfaafinta qaar ka mid ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munasaabada oo lagu qabtay Xarunta wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyay ka qaybgalkeeda Ra'iisul wasaare ku xigeen ahna ku simaha Ra'iisul wasaaraha ,wasiirada Gaashaandhiga iyo Warfaafinta qaar ka mid ah safiirada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya taliyaha ciidanka xooga iyo marti sharaf kale waxaana looga hadlayay guda galida barnaamijka isku dhafka ciidanka qaranka.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay munaasabada taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Sareeye guuto Daahir Aadan Cilmi {Indha qarshe}waxaana uu ka hadlay muhiimada ay u leeedahay Taliska mideynta ciidamada qaranka.

Wasiiru dowlaha wasaarradda gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Cali xagaa ah gudoomiyaha gudiga isku dhafka ciidanka loo saaray ayaa waxaa uu ka sheegay goobta in xil ay iska saari doonaan sidii ay uga mira dhalin lahaayeen howshii ummadda Soomaaliyeed u idmatay isgaoo ka jawaabay hadal ka soo yeeray mas,uul ka tirsan maamulka Soomaaliland.

"Hadal aan qof mas’uul ah ku habooneyn uu yiri oo aheyd in ciidammada loo dhisaayo Soomaaliya ay duulaan ku yihiin Soomaaliland iyo dowladaha dariska ah cali waxaan u maleynayaa albaabka uu garaacayaa in mid xiran uu yahay waxaa furan albaab isku keenka midnimada iyo dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Xagaa.

Wasiirka wasaarradda difaaca mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo ka hadlay munaasabadaas ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in gudiga loo saaray isku dhafka ciidammadda ay yihiin kuwo ka soo bixi kara howshaas wasaarraduna ay ku garab taagantahay.

"Waxaa hubaal ah ciidankan ay bilaabi doonaan gudiga loo xilsaaray isku dhafka ciidamada in waqti dhaw ay muujin doonaan howsha waxqabadka ee loo xilsaaray waxaan halkaaan rabaa in aan uga mahadceliyo dowladda Ingiriiska oo runtii gudiga isku dhafka ciidammadda ka qayb qaadaneysa oo runtii aad iyo aad noogu dhiiri galisay noona sahashay in shaqadaan maanta halkaan ka bilowno.” ayuu sheegay wasiirka gaashaandhigga.

Ku simaha Ra’iisul wasaaraha dalka ahna Ra’iisul wasaare ku xigeen mudane Maxamed Cumar Carte ayaa waxaa uu xusay in siyaasada xukuumadda waxyaaabaha ugu horeeyaa ay tahay adkeynta amniga iyo in la helo ciidamo qaran oo diyaarsan in isku dhaf lagu sameeyo ciidankana ay tahay wadadii Soomaaliya dhibaatada uga bixilahayd.

"Siyaasada xukuumada ugu horeyntii ama waxaa ugu horeeyaa waa adkeynta amniga amniguna waxaa uu ku adkaan karayaa waa iyada oo la dhiso ciidan tayo leh,"ayuu yiri Mudane Carte

Madaxweynaha Jmahuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gabagabeeyay munaasabadaaas looga hadlayay isku dhafka ciidanka qaranka ayaa waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka muhiimada dalka ay u leedahay isku dhafka ciidan qaran isagoo la dar daarmay gudiga howshaas loo xilsaaray.

"Gudiga waxaan leeyahay mas’uuliyada aad xambaarsantihiin waa midaas askari askari lagu daray oo xeradiisa laga bedalo waxaan leeeyahay gudiga Soomaaliy oo dhanaa isku dhafeysaan oo isku dareysaan oo isu soo celineysaan mas’uuliyadeeda in ay aad iyo aad u weyntahay in aad ku baraarugsanaataana la rabaa,waxaan rabaa meeel kasta iyo deegaaan kasta oo aad tagtaan kooxdii halkaan fanaaniinta waxay ka turjumayeeen dareenka dadkeena in badan oo ka mid ah ay qabaan dareenkaas ayay ka turjumayeeen,isku dhafka ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed waa ajanda qaran waaye ajanda koox gaar ah iyo xukuumad gaar ah iyo taliska gaar ah iyo wasaarad gaar ah ay leeyihiin ma ahan waa ajanda qaran oo dalka Soomaaliya, "ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda Britain oo gacan weyn ka geysatey hirgelinta barnaamijkan, iyo weliba ciidammada AMISOM iyo dalalka beesha caalamka oo mar walba taageero la garab taagan Soomaaliya.


Guddiga Isku Dhafka Ciidammada oo ah guddi heer qaran ah, ayaa waxaa ansixiyey Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana madax u ah Mudane Maxamed Cali Xagaa oo ah Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip