
Wasiirka Gaashaandhiga "waxaa naga go'an xoojinta tayada ciidanka Xooga"
Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in Danjire Mohamed Cusmaan ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka saaxiibtinimo ee labada dal, isagoo xusay in dowladda Imaaraadku balan-qaaday sii xoojinta tababarka iyo tayaynta ciidamadda qalabka-sida. Mudane Diini ayaa mahad balaaran u jeediyay Dawladda iyo Shacabka Imaaraadka Carabta sida walaaltinimada leh ee ay mar walba u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.
Wasiir C/qaadir Sheekh Cali Diini oo kulanka ka hadlayey waxa uu yiri:
"Maanta waxaan booqannay Xerada Tababarka Ciidamada ee Xero Agoon oo ay saraakiil ka tirsan Dawladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadku ku tababaraan ciidan ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya. Waxaa Xeradan dib u dhisay Dawladda Imaaraadka oo weli gacantana ku haysa, waxana ay ka mid tahay mashaariicda ay fulisay Dawladda Imaaraadka”
"Waxaan wadahadal dheer oo wax ku ool ah la yeelanay Danjiraha Dawladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya oo aan ka wadahadalnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa mashaariicda Imaaraadka ee Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-dhiska Ciidamada Xoogga Dalka.
"Tababarada Ciidamadu wa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida, waxaana naga go’an inaan ballaarino tababarada iyo qalabaynta ciidamadeena si ay u gataan waajibaadka qaran ee ay u igman yihiin”
Danjiraha Dowalada Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa dhinaciisa balan qaaday in ay kordhin doonan taageerada Soomaaliya ee dhinacyada dhaqaalaha siyaasadda iyo mashaariicda horumarineed intaba, isagoo carraabka ku adkeeyey in dalkiisu ay ka go’an tahay sii wadida taageerada iyo isgarab-taagga dalka ay walaalaha yihiin ee Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhiga "waxaa naga go'an xoojinta tayada ciidanka Xooga"
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa xerada tababarka Ciidamadda ee Xero Agoon waxa uu kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka SoomaaliyaMudane Mohamed Cusmaan oo ay ka wada hadleen arrim