Gabadha Soomaaliyeed ee bilada Xuquuqda aadana Afrika ku guuleysatay oo madaxweynaha U hambalyeeyay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u direy Ifraax Axmed oo ku guuleysatay biladda xuquuqda haweenka ee Afrika isagoo telefoon kula hadlay Ifraax oo ku sugan dalka Ingiriiska.
Madaxweynaha ayaa Ifraax ku bogaadiyay dadaalkeeda ku aadan u ololeynta dhowrista xuquuqda haweenka Soomaaliya.
Ifraax Axmed oo ah gabar Soomaaliyeed isla markaana u ololeysa xuquuqda haweenka ayaa xalay dalka Ingiriiska waxaa lagu gudoonsiiyay biladda xuquuqda haweenka Afrika taas oo ay bixiso hey’ad fadhigeedu yahay dalka UK.