Raysal wasaaraha oo rajo wayn ka muujiyay in dowladiisu dhaqaalaha dalka sare u qaadayso dhowaan.

0
Sunday May 10, 2015 - 09:47:32 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal wasaaraha oo rajo wayn ka muujiyay in dowladiisu dhaqaalaha dalka sare u qaadayso dhowaan.

    Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa sheegay in Xukuumaddu ay wado qorshe kor loogu qaadayo dhaqaalaha dalka, isla markaana siyaasad loogu dajinayo nidaamka canshuuraha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa sheegay in Xukuumaddu ay wado qorshe kor loogu qaadayo dhaqaalaha dalka, isla markaana siyaasad loogu dajinayo nidaamka canshuuraha.

Ra’iisul wasaare Cumar oo khubad ku aadan qorshe howleedka Xukuumadda ka hor akhriyay baarlamaanka Federalaka ah ee Soomaaliya ayaa tilmamay inay socdaan dadaallo ku aadan sidii sare loogu qaadi lahaa, dhaqaalaha, loona baahanyahay in la dhiiri geliyo Maalgeshiga shisheeye ee dalka.

"Xukuumadda waxa ay xoogga saareysaa kobcinta dhaqaalaha, waxaa meel wanaagsan maraya siyaasada canshuuraha, marka aan meel marino siyaasadda canshuuraha, waxaan ku kalsoonahay in daqliga dowladda uu kordhayo, waxaana rumeysnahay in aan daqli ka soo uruurrin karno Isgaarsiinta, Xawaaladaha, shirkadaha, Hotelleda korontada iyo biyaha” waxaana uu intaa raaciyay Ra’iisul wasaaraha "Dhiirigelinta Maalgeshiga, si dhaqaalaheena uu kobco, waxaa lagama maarmaan ah in aan helno siyaasad dhiirigelineysa maalgeshiga Shisheeye, si aan aerrintaasi u hirgelinay waxaan sameynay guddi ka kooban Wasaaradaha ay quseyso, kuwaasi oo aan u xilsaarnay inay qiimeyn ku sameeyaan sharciga hadda baarlamaanka horyaalla”,

Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa hoosta ka xariiqay in qorshaha kobcinta dhaqaalaha dalka lagu saleyn doono cilmi baaris iyo xog uruurin, iyadoo sidoo kale wada tashi lala sameyn doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

"Sameynta qorshe Qaran oo ku aadan hanaanka kobcinta dhaqaalaha, waxaa arrintan nooga xiran in Soomaaliya nalaga cafiyo deymaha nalagu leeyahay, Wasaaradda qorsheynta ayaa arrintaasi gacanta ku heysa, waxaana uu ku saleysnaan doonaa cilmi baaris iyo xog uruurrin, ku aadan wadatashi lala yeelanaya qeybaha bulshada, iyadoo laga qeyb gelinayo dowlad goboleedyada dalka ka jir, si qorshahan uu u noqdo mid Qaran” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu dambeyn xusay inay jirto mashruucyo shaqooyin loogu abuurayo dhallinyarada dalka, si ay u noqdaan kuwa ka qeyb qaata horumarka dalka.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip