
Tariikh Nololeedkii S/Guuto Cabdiweli Maxamuud Sheikh Xuseen "Nuc-Nuc"
Wuxuu Ciidanka Xoogga Dalka Somaaliyeed ku biiray sannadkii 1971dii isagoo loo qaatay Layli Sarkaal (Allievo Ufficiale) waxaana waxbarasho Ciidan loogu diray Kulliyadda Ciidammada Modena ee Dalkaa Talyaaniga (Accademia Militare di Modena, Italia).
Markuu Kulliyaddaa ka soo qalin jebiyay wuxuu
u gudbay Dugsiga Tababarka Karabinyeeriga ee magaalada Rooma (Scuola d’
Applicazione dei Carabinieri, Roma, Italia) wuxuuna waddanka dib ugu soo
laabtay sannadkii 1976dii.
Wakhtigaa wixii ka dambeeyay SGuuto
Cabdiweli Maxamuud Sheikh Xuseen (AUN) wuxuu jagooyin muhiim ah ka soo qabtay
qaybaha kala duwan ee XDS isagoo ka soo noqday Taliye Horin, Taliye Urur iyo
Taliye Guuto Qaybtii 26aad ee XDS.
Sidoo kale wuxuu Taliska Guud ee XDS ka soo
qabtay jagooyin ayaguna muhiim ah sida Madax Hoggaan, Madaxa hay’ad iyo U
Qaybasanaha Arrimaha Ciidammada Safaaradda Somaaliya ee magaalada Bariis, dalka
Fransiiska (Military Attaché, Somali Embassy, Paris, France).
Muddadii dagaalka sokeeye Somaaliya ka
socday, SGuuto Cabdiweli wuxuu magangalyo ahaan ugu nolaa magaalada London ee
dalka Ingiriiska. Naxaristii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo
marxuumka waxa uu ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee
dalka Somaaliya 3dii Desember sanadkii 2013,. Amiin!!!
Ogsoonoow Taariikhdu Waa Mudan Waa Tiro Mar
Qaati leh
W/D Tifaftiraha warbaahinta Ciidamada Qalabka
Sida
Ustaad:- Cumar Maxamed Kulmiye
Fadlan Ilaali Xuquuda Qoraaga
Tariikh Nololeedkii S/Guuto Cabdiweli Maxamuud Sheikh Xuseen "Nuc-Nuc"
SGuuto Cabdiweli Maxamuud Sheikh Xuseen wuxuu dhashay sannadku markuu ahaa 1948dii. Waxabarashadisii Dugsiga Hoose iyo Dhexe wuxuu ku soo qaatay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, isagoo waxbarashadii Dugsiga Sare ku qaatay magaalada Caasi