
Taariikh Nololeedkii Marxuum S.Guuto Maxamed Sheikh Cabdulaahi "Bagadi".
Sarreeye Guuto Maxamed Sheikh Cabdulaahi "Bagadi” waxa uu Wasaaraddii Gashaandhigga & Taliskii Ciidanka X.D.S ka soo qabtay jagooyin muhiim ah oo ay ka mid ahayeen Taliyaha Ururkii Tangiyada Cadadleey ee Gobolka (Waqooyi Galbeed),
Taliyaha Ururkii 8aad ee Taangiyada (Xamar),waxa uu noqday U Qaybsanaha Arrimaha Ciidammada ee Safaaradii Somaaliyeed ee
Moskoow (Soviet Union),
Taliyaha Qaybtii 60aad ee Ciidanka X.D.S
Baydhaba, Madaxa Hoggankii Xiriirka Dibedda Ciidanka X.D.S U Qaybsanaha
Arrimaha Cidammada Safaaradii Somaaliyeed ee Dalka Sacuudi Carebiya, Agaasimaha
Guud ee Wasaaraddii Gashaandhigga J.D.S iyo jagooyin kale oo badan ee muhiim
ahaa.
Maalintii Waxa uu ku geeriyooday Magaalada
Rotterdam ee dalka Holland 23kii Maarso 2012da Ilaahay naxaristii janno ha ka
warabiyee S. Guuto Maxamed Sheikh Cabdulaahi "Bagadi” waxa uu xubin sharafleh
ka ahaa Ciidankii Xoogga Dalka Somaaliyeed.
Geerida Janaraalka waxaa ka tacsiyeeyay
xilligaasi Sarakiil uu hoggaminayay Alaha U naxariistee Sarreeye GuudMaxamed Cali Samantar & Guud ahaan Talisyadii Guud ee Ciidammadii Qalabka
Siday ee Somaaliya iyo gaar ahaan Ciidankii Xoogga Dalka Somaaliyeed, ayagoo ka
tiranyeeysan geerida ku timid Alle ha u naxaristee S. Guuto Maxamed
Sheikh Cabdulaahi "Bagadi” oo ku ku geeriyooday Dalka Hollandwaxa ayna dhammaan sareeyayaasha iyo saraakiika Ciidanka X.D.S. ay tacsi u direen
Marwadii uu ka geeriyooday, caruurtiisa, qaraabadii iyo asxabtii uu ka baxay
iyo guud ahaan Ummadda Somaaliyeed meel ay joogaanba.
Waxa ayna Ilaahey uga baryeen inuu jannadii
fardoowsa ka waraabiyo, dhammaanna uu samir & imaan Ilaahay naga wada
siiyo. Amiin!!!!
W/D Tifaftiraha warbaahinta Ciidamada Qalabka
Sida
Ustaad:- Cumar Maxamed Kulmiye
Fadlan Ilaali Xuquuda Qoraaga
Taariikh Nololeedkii Marxuum S.Guuto Maxamed Sheikh Cabdulaahi "Bagadi".
S. Guuto Maxamed Sheikh Cabdulaahi "Bagadi"wuxuu ciidanka XDS ku soo biiray Sannadkii 1960kii oo ah markii la asaasay XDS waxaa waxbarasho loogu diray Kulliyadda Ciidammada ee dalka Masar. Sidoo kale wuxuu Dugsiga Abbanduulka (Staff College