Madaxweynaha oo Ra'iisul Wasaaraha Britain ugu hambalyeeyay guusha doorashada

0
Saturday May 09, 2015 - 23:25:42 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo Ra'iisul Wasaaraha Britain ugu hambalyeeyay guusha doorashada

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Muqdisho, Sabti 09 May 2015 : Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan guusha Xisbiga Conservative uu ka soo hoyey doorashada Britain u direy Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mr David Cameron.

‘’Anigoo ku hadlaya Magaca Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaad iga guddoontaa hambalyo diiran adiga iyo xisbigaaga, gaar ahaan guushan weyn ee aad soo hoyseen ee kuu suurageliyey in mar labaad laguu doorto jagada ra’iisul wasaarenimada’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay cashar ka barteen doorashadan , maadaama la isku diyaarinayo in markii ugu horeysey dalka Soomaaliya ay doorashooyin ka dhacaan sannadka 2016 muddo dheer kadib.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in labada dal xiriirkooda uu sii xoogeysan doonno, isla markaana Britain ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

---DHAMMAAD---




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip