Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Faah Faahin Ka Siiyay Waxqabadka Wasaaradda Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka

0
Saturday May 09, 2015 - 20:23:16 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Faah Faahin Ka Siiyay Waxqabadka Wasaaradda Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka

    Kulankani maanta uu Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka oo uu wehliyo ku-xigeenkiisa ay la qaateen guddiga arrimaha gudaha ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku saabsanaa xogwereysi ku aadan waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda iyo qor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankani maanta uu Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka oo uu wehliyo ku-xigeenkiisa ay la qaateen guddiga arrimaha gudaha ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku saabsanaa xogwereysi ku aadan waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda iyo qorsheyaasha ay hiigsaneyso.

Kulanka ayaa waxyaabaha sida gaarka ah looga hadlay waxaa ka mid ah dhismaha maamul goboleedyada dalka, Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka Kenya iyo Yemen iyo dooda la xiriirta in Kenya ay darbi ka dhisaneyso xuduudda ay Soomaaliya la wadaagto, waxaana u kuurgelidda arrintaasi uu guddi u xilsaaray.Wasiirka.

Wasiirka Arrimaha gudaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa ugu horeyn kulanka guddiga faah faahin ka siiyay waxyaabaha Wasaaradda u qabsoomay iyo qorshaha ay hiigsaneyso.

Wasiirka ayaa intaa kaddib qaar ka tirsan xubnaha guddiga ka dhageystay su’aallo ay ka weydiinayeen arrimo ay ka mid ahaayeen qaabka loo wajahayo maamul u sameynta gobollada haray, arrinta darbiga Kenya ay ka dhisaneyso xadka ay Soomaaliya la wadaagaan iyo saameynta ay arrintaasi leedahay, iyadoo Wasiirku uu Guddiga uga jawaabay su’aallihii la weydiiyay.

Kulanka ayaa markii uu soo idlaaday kaddib waxaa Warbaahinta la hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga arrimaha gudaha iyo Federaalka ah Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in Guddiga ay ku qanceen jawaabihii uu Wasiirku ka bixiyay aragti ay Xildhibaannada qabeen, waxaana uu xusay in kulamada ceynkan ay socon doonaan.

Wasiirka Arrimaha gudaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa tilmaamay in kulanka uu la xiriiro waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda ee 100-ka maalmood ee la soo dhaafay, waxaana uu intaa ku daray in Guddi uu u saaray arrimaha Kenya ee la xiriira darbiga ay ka dhisaneyso xuduuda Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaamka federaalka ah, dib u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku xaniban iyo dhismaha Maamul goboleedyada.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip