Taliyaha Ciidanka Asluubta oo xilka si rasmi ah ula wareegay

0
Saturday May 09, 2015 - 19:25:22 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Asluubta oo xilka si rasmi ah ula wareegay

    Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka iyo taliyeyaasha ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad uu xilka kula wareegayey Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka iyo taliyeyaasha ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad uu xilka kula wareegayey Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ka qayb gashay munaasabada uu maanta xilka kula wareegayay taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Cadaaladda, Wasiirka Amniga, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ,Taliyaasha ciidamada qalabka sida qaybahooda kala duwan sida Xoogga, Booliska, Nabadsugidda, badda iyo cirka sidoo kale taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Jeneraal C/laahi Gaafow Maxamuud iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay munaasabada taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamuud Tuur yare oo ciidanka Asluubta ugu hambalyeeyay taliyaha cusub ee loo magacaabay, isagoo xusay in uu yahay nin karti u leh hogaaminta ciidanka.

Taliyaha booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa waxaa uu taliyaha cusub ee Asluubta uu kula dardaarmay in howshii uu soo qabtay taliyihii ka horeeyay uu halka ay joogto ka sii amba qaado, isla markaana waxqabad la taaban karo uu la yimaado.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye guuto Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarsho) ayaa waxaa uu taliyaha xilka la wareegay iyo Wasaaradda cadaaladda ka codsaday in xaruntii taliska ciidanka Asluubta dib loo dayactiro, taasi oo uu ku sheegay inay ka qayb ka qadaan karto ammaanka Magaalada.

Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta oo maanta xilka wareejiyay Sareeye guuto Xuseen Xasan Cismaan ayaa waxaa uu ka codsaday saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka Asluubta in ay la shaqeeyaaan taliyaha cusub.

Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)Taliyaha ciidanka Asluubta ayaa waxa uu balan qadaay in inta uu awoodo uu horumarin ku sameyn doono ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, isla markaana uu xoogga saari doono sidii xaruntii ciidanku lahaa dib u dhis loogu sameyn lahaa.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa waxaa uu walaac ka muujiyay xabsiyada Soomaaliya, waxaana uu ka codsaday taliyaha cusub in uu xil iska saaro dhismaha iyo hagaajinta xabsiyadii dalku lahaa.

Wasiirka cadaaladda xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilka jiir) oo gabagabadii soo xiray munaasabadaas ayaa waxaa uu dar daaran guud u soo jeediyay ciidanka Asluubta iyo taliskooda cusub, isagoo tilmaamay in Wasaaraddu ay gacan ka geysan doonto dib u dhiska xaruntii ciidanka Asluubta.

1234




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip