Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhda Wadanka Tanzania.

0
Sunday July 31, 2016 - 16:12:16 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 8913
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 6
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhda Wadanka Tanzania.

    Dalka Tanzania oo loo yaqaan jamhuuriyada midowday ee Tanzania waxaa uu ka mid yahay wadamada dhaca bariga qaaradaan Africa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Tanzania oo loo yaqaan jamhuuriyada midowday ee Tanzania waxaa uu ka mid yahay wadamada dhaca bariga qaaradaan Africa.

Dalka Tanzania waxaa uu xaduud dhuleed la leeyahay wadamada Kenya, Uganda, Burundi Rwanda, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Koongo, Zambia, Malawi iyo Musanbiig waxaana dhanka koofureed ka saaran bad weynta Hindiya.

Caasimada wadanka waxaa la yiraahdaa Dodomo magaalada wadanka ugu weynse waaa Daara Salaam calanka wadankana waxaa uu ka kooban yahay midabada Cagaar, Jaalle ama hurdi Madow iyo buluug.

Tiradda dadka Tanzania u dhashay waxaa lagu qiyaasaa ku dhawaad 48 million oo qofinta da’dooda ay 15 sanno ka yar tahayna waxay bulshada wadankaas ka yihiin 44%, sidoo kalena in ka badan 70% dadka wadankaasi waa dad miyiga ku nool.

Lacagta wadanka laga isticmaalana waxaa la yiraahdaa Tanzanian Shilling.

Dalka waxa uu madaxbanaanidiisa ka qaatay 9 bishii December sanadkii 1961 waxaa uu la midoobay dalkii Zanzibar la oran jiray 10 December sanadkii 1963 luuqada rasmiga ah ee dalkaan looga hadlana waa Sawaxilli luuqada labaadna waa Af-Ingiriis.

Dalka Tanzania oo ka mid ah wadamada Africa ee harooyinka waa weyn waxaa sidoo kale ku taala buurta Kiliminjaro oo ah buurta Africa ugu dheer gaadiidkuna waxay isku dhaafaan marka wadankaan la joogo dhanka bidix.

Markii ugu horeysay dalkaan waxaa qabsaday Jarmalkii hore qarnigii 19,aad oo Ingiriiska ku wareejiyay intii uu socday dagaalkii labaad.

Taariikhyahanadu waxay sheegaan in magaca Tanzania uu ku yimid markii ay midoobeen labadii dale ee lakala oran jiray Tanganyika and Zanzibar.

Dhaqaalo ahaan waxaa lagu tilmaamaa dalkaan inuu ka mid yahay wadamada dhaqaalahoodu dhex dhexaadka yahay dunnida oo dhan waxaa uu ka yahay wadanka 23,aad.

Meelaha ugu badan ee dawladu dhaqaalaha kasoo galena waxaa ka mid ah dalxiiska waxaana hel cel celius ahaan sanadkii dalxiis u taga dalkaas in ka badan hal milyan oo qof.

Dhanka Isgaarsiinta haddii aanu eegnana dalkaan waxaa ku taala in ka badan 50 shirkadood oo dhanka isgaarsiinta 12% dadka wadankaas udhashayna waxay si joogto ah u adeegsadaan internet.

Dhaqan ahaan dadka Tanzania waxaa uu ay la mid yihiin dadka dega bariga Africa waxaana qawmiyada ugu badan dalkaas la yiraahdaa Xadzaa oo u dhaqan eg Masayda Kenya degta.

Dad asal ahaan kasoo jeedaa wadamada Carabta, Pakistan, Hindiya Shiinaha iyo meelo Yurub ka mid ah ayaa dalkaan ku nool kuwaasoo dalkaas looga yaqaan Shiraasiyiin.

Kumanaan ruux oo Carab ah ayaa lagu dilay dalka Tanzania intii uu socday kacdoonkii Zanzibar 1964 illaa 1994.

Dadka jirkoodu casaanka yahay ee Albinooska la yiraahdo aad baa loogu dhibaateeyaa wadankaas oo marka la arko lama daayo illaa nafta laga qaado.

Xagga diimaha Muslimiinta ayaa ah dadka ugu badan ee dalkaan waxaana ay bulshada wadankaasi ka yihiin 35% waxaana dalkaan ku yaala masjidka 2,aad ee Africa ugu weyn kaasi oo uu dhisay M/weyihiin la diley ee Libya Mucamar Al-Qadafi waxaana markiiba ku tukan kara 3,000 oo ruux.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO warbixin ay dhawaan soo saartay waxay ku sheegtay in dalkaan dadkii ay 3% qabaan firuska dhaliya AIDS halka qaba xanuunka malariyadana ay gaarayaan 5%.

Cunnada ugu badan ee dalka laga cuno waxaa la yiraahdaa Ugali oo ah soor la adkeeyay hilbaha xoolaha sida lo’da , ariga iyo dalagyada la beerto ee ay ka mid yihiin digirta, masagada iyo galayda kaluunka iyo qudaarta.

Kubbadda cagta ayaa ka mid ah cayaaraha loogu jecelyahay dalkaas xulka qaranka wadankaasna waligood koob adduun iyo kan Africa inta ma aysan qaadin.

Cayaaraha kubbadda koleyga, feerka orodada iyo Rugbiga ayaana ka mid ah cayaaraha dalkaasi loogu jecelyahay.

Waxaa Diyaariyay Cumar Maxamed Kulmiye




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip