Afhayeenka Wasaarada Amniga oo ka warbixiyay Gacan ku dhiigle UGUS ahaa.

0
Saturday May 09, 2015 - 08:00:56 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Wasaarada Amniga oo ka warbixiyay Gacan ku dhiigle UGUS ahaa.

    Ciidammada Hey'adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigay Dhagar qabe gacan ku dhiigle ah oo xalay degmada Yaaqshiid ku dilay garsoore lagu magacaabo Macallin Abshir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidammada Hey'adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigay Dhagar qabe gacan ku dhiigle ah oo xalay degmada Yaaqshiid ku dilay garsoore lagu magacaabo Macallin Abshir.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan, ayaa sheegay in dadka deegaanku ay ciidammada ammaanka gacan ka siiyeen soo qabashada gacan ku dhiiglahan oo isku dayay in uu baxsado.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha ayaa sheegay dhagar qabaha la soo qabtay oo ahaa  gacan ku dhiigle ka tirsan kooxda UGUS  islamarkaana dilal fara badan u geystay muwaadin Soomaaliyed,  iyadoo soo qaba shadiisa ay gacan ka geysteen shacabka ku nool degmada Yaaqshid  waxuuna kooxda  UGUS  ugu u qaabilsanay degmooyinka Deynile iyo Yaaqshid halkaasi oo ku dhibaateyn jiray dad shacabka oo aan waxba galabsan.

Hey’adaha ammaanka ayaa magaalada Muqdisho ka wada howlgalo isdaba joog oo lagu baacsanayo maleeshiyaadka Gumaadka umadda Soomaaliyeed oo ku dhuumaaleysanaya xaafadaha magaalada Muqdisho, iyadoo howlgaladaasi laga gaaray ahdaaftii laga lahaa oo eheyd in la soo qabto horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan UGUS, waxaana xusid mudan in dadka shacabka ay la shaqeeyaan Hey’adaha ammaana kuwaa oo suura galiya xogaha qaar ay hesho NISA.

11118737_10203019739054626_598660426_n 11128420_10203019738894622_1286462882_n 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip