Wasiirka Haweenka oo ka qeybgashay xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay arday ka qalin jabisay Turkish Badar Iskuul

0
Friday May 08, 2015 - 19:29:32 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Haweenka oo ka qeybgashay xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay arday ka qalin jabisay Turkish Badar Iskuul

    Munaasabad balaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla maarkan shahaadooyin lagu gudoonsiinayay arday dhameysatay dugsiga sareBadar Turkisha oo ay tiradooda gaareysay 108 arday ayaa magaalada Muqdisho lagu qabtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad balaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla maarkan shahaadooyin lagu gudoonsiinayay arday dhameysatay dugsiga sareBadar Turkisha oo ay tiradooda gaareysay 108 arday ayaa magaalada Muqdisho lagu qabtay.

Ardaydan oo bartay Luqada Carabiga,Turkiga iyo maadooyin kale ayaa munaasabada Shahaadooyinka lagu gudoonsiinayay waxaa ka qeyb galay wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul insaanka xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaano katirsan Barlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir.

Ibraahim Saalax waxaa uu ka mid ah yahay waalidiinta lugu casuumay xaflada waxaana uu sheegay in farxad weyn u tahay inay maanta arkaan carruurtooda oo ka qalin jabineysa dugsiga sare.


"Runtii waxaa maanta joognaa maalin farxadeed maalin hadaan nahay waalidka ardeyda maanta qalin jabineysa maalin ciideed ayay noo tahay waxaan soo marnay musiibo dheer anaga iyo owlaadeena iyo maamulka iyo macalimta dugsigaba marxalad dheer oo hada laga joogo 4 sano waxayna aheyd marxadled aad u adag ". ayuu yiri Salaax.
Gudoomiyaha dagmada Waabare gobolka Banaadir Axmed Muumin Maxamed ayaa kula dardarmay ardayda dhamesatay Dugsiga sare in ay sii wataan waxbarashada.
"Waxaan kula dardaarmayaa runtii waxbarashadii inta muda ah u soo dhabar adeegteen oo aad u soo rafaadeen in aa sii wadaan ilaa Jamaacadda kadibna wadanka wax u qabtaan " waxaa sidaa yiri gudoomiye Muumin.
Cusmaan Demir Han oo ah maamulaha guud hey’ada waxbarashada Nile oo ah hey’ada gacanta ku heysa dugsiga Badar ayaa sharaxaad ka bixiyay waxqabadka dowladda Turkiya ee ku aadan dalkeena Soomaaliya isagoo xusay in mudadii ay dowladda Turkiga mashaariic horumarineed ka fuliyeen Soomaaliya.
"dhamaan wax qabadka waxaan ka fulinaa 170 dal waxaan dalalkasi ku leenahay 2000 oo Iskuul iyo tira ku dhaw 60 Jamacadood iyo kun Isbitaal taas oo inoo suurtagelisay dhamaan inaa dalalkaasi ka furno xarumo caafimaad sidoo kale waxaa Soomaaliya ka furnay 4 Iskuul hal Isbitaal urur ganacsi oo ka kooban 45 xubnood iyo urur gaar ah bini’adanimo oo lagu magacaabo Kamsimkumo”. ayuu sheegay maamule Han.

Sidoo kale Wasiirka wasaaradda haweenka xukuumadda Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay inay aad u faraxsantahay in ay ka qeyb gasho munaasabada qalin jabinta dufcadii ugu horeysay ee ka qalin jabisa dugsiga Bader.
"Maanta aad iyo aad ayaa ugu faraxsanahay in ay dufcadii ugu horeysay ay ka qalin jabisay maanta Iskuulka Turkish Bader waxaan u mahadnaqayaa walaalaheena Turkiga ee noo soo gurmaday ee hiil iyo hoo inala garab taagan” ayay tiri wasiirka haweenka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip