Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Baarlamaanka baaq u diray

0
Friday May 08, 2015 - 11:04:36 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Baarlamaanka baaq u diray

    Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Max'ed Xuseen Odawaa ayaa baaq u jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya oo ku aadan inay taageero buuxda siiyaan xubnihii shalay la magacaabay ee ka tirsan gudiga madaxa banaana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Max'ed Xuseen Odawaa ayaa baaq u jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya oo ku aadan inay taageero buuxda siiyaan xubnihii shalay la magacaabay ee ka tirsan gudiga madaxa banaana ee doorashooyinka sanadka soo socda oo shalay ay Golaha Wasiirada meel mariyeen.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya looga fadhiyo sidii ay u meel marin lahaayeen gudiga madaxa banana ee doorashooyinka,wuxuuna Wasiirka ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaanb gudiga la magacaabay.

Gudiyada seddexda ah ee kala ah doorashooyinka Qaranka,Adeega Garsoorka iyo xuduudaha iyo Federaalka waa gudi dastuuri ah,kuwaasi oo dalka gaarsiinaya Nidaam cadaalad, maamul dhisan iyo doorashooyin democratic ah oo dalka ka dhaca sanadka 2016-ka.

Dowlda Federaalka Soomaaliya ayaa ku cel celisay in sanadka soo socda la qaban doono doorasho xor iyo xalaal ah,maadama marar badan walaac laga muujiyay doorasho dalka ka dhacda iyadoo xaaladaan ay jirto.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip