Madaxweynaha Soomaaliya Oo Khudbad Ka Jeediyay Munaasabadda Caleema Saarka Baarlamaanka Jubba

0
Thursday May 07, 2015 - 19:05:03 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1394
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya Oo Khudbad Ka Jeediyay Munaasabadda Caleema Saarka Baarlamaanka Jubba

    Munaasabadda Caleema saarka Baarlamaanka Maamulka Jubba ee ka socotay Magaalada Kismaayo ayaa goor dhow soo gaba gabowday, iyadoo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu Khudbad Ka jeediyay munaasabadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabadda Caleema saarka Baarlamaanka Maamulka Jubba ee ka socotay Magaalada Kismaayo ayaa goor dhow soo gaba gabowday, iyadoo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu Khudbad Ka jeediyay munaasabadaasi.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in maanta la caleema saaro Baarlamaanka Jubba, waxaana warbixin uu ka siiyay ka qeyb galayaasha munaasabadda horumaradii kale duwanaa ee Soomaaliya ay gaartay.

Madaxweynaha Dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay horumarka la gaaray in daliil ay u tahay wadadii dheereed iyo marxaladii aan soo marnay iyo halka maanta aan taaganahay oo uu tilmaamay in lagu sifeyn karo yadadiilo wanaagsan oo horseed u ah Xoojinta Dowladnimada.

"Waa in aan isku sabarnaa oo aan fiirino mustaqbalka umadda Soomaaliyeed islamarkaana aan ka fekerin waxa maanta aan rabno laakiin aan ka fekerno mustaqbalka Berito, waxaana u baahan wixii shalay in aan ka daawowno oo aan u sabarno maslaxadeyna maankana ku heynaa, beri maxaan u baahanhay xagee wax ka qaldameen sidee lagu sixi karaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbadiisu eheyd mid dheer ayaa waxa uu maamulka Jubba uu ugu baaqay in ay badiyaan tanasulka islamarkaana ay is dhageystaan kana soo baxaan go’aamo wax dhisaya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay incabashoay qabaan beelaha qaar ee daga gobolada ku abtirsada maamulka Jubba loona baahanyahay in mas’uuliyiinta maamulkaasi ay xaliyaan cabashooyinkaasi islamarkaana ay qanciyaan dadkaasi maadaama mas’uul ay ka yihiin ayna ku biiriyaan xubnaha maamulka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip