Golaha wasiirrada oo maanta ansixiyay guddiyada Doorashada Qaranka, Xuduudaha iyo Federaalka

0
Thursday May 07, 2015 - 18:59:09 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1551
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha wasiirrada oo maanta ansixiyay guddiyada Doorashada Qaranka, Xuduudaha iyo Federaalka

    Shirka golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee maanta waxaa shir guddoominayey R/wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, waxaana looga dooday guddiyo ay soo gudbiyeen wasaaradaha kala ah Cadaaladda iyo Arrimaha iyo Federaalka, ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee maanta waxaa shir guddoominayey R/wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, waxaana looga dooday guddiyo ay soo gudbiyeen wasaaradaha kala ah Cadaaladda iyo Arrimaha iyo Federaalka, kuwaas oo dood dheer kadib la ansixiyey.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir), ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxa uu ka akhiryey, magacyada guddiga adeegga Garsoorka ee ay golaha wasiirrada cod akhlabiyad leh ku ansixiyeen.

"Golaha dhammaan wuu isku raacay, cidna ma diidin cidana kama aamusin, haddii aan idiin akhriyo magacyada guddiga adeegga Garsoorka, waxaa ugu horeeyey.

Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf, Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee dalka, Dr Axmed Cali Daahir Xeer-ilaaliyaha Qaranka, Abuukaate Maryan Xaaji Cilmi Ibraahim, ururka Garyaqaannada Soomaaliyeed, Shariif Sheekh Unnaa Mayee, Bulshada Rayidka Abuukaate Prof” Ciise Axmed Warsame, ururka garyaqaannada Soomaaliyeed, Axmed Cabdullaahi Xuseen Bulshada Rayidka iyo Sheekh Cismaan Ibraahim Axmed oo isagana Bulshada Rayidka ah todobaad xubnood ayaa maanta la ansixiyey” ayuu yiri wasiirka Cadaaladda.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa isagana ka hadlay guddiyada kala ah Doorashooyinka Qaranka iyo Xudduudaha iyo Federaalka , waxaana magacyada guddiga Doorashooyinka Qaranka akhrinaya wasiirka Arrimaha Guduha Soomaaliya.

"Waxaa suuragashay in golaha wasiirrada isku raaco, sagaal qofood ee guddiga Xuduudaha iyo Sagaalka qofoodka ee guddiga Doorashooyinka, waxaan rabaa inaa halkaan ka akhriyo magacyada guddiga doorashooyinka, 1-Saciid Xaashi Warsame 2- Maxamed Xasan Taani 3-Xuseen Cabdi Aadan 4-Saciid Cali Sheekh Maxamed 5-Maxamed Axmed Nuur 6-Caraxmaan Cusmaan Dirir 7-Maxamed Daahir Maxamuud 8-Xaliimo Ismaaciil Cali 9-Khadiijo Cosoble Cali, Sagaalkaan xubnood waa guddiga doorashooyinka oo sida ugu dhaqsiyaha badan Barlamaanka loo horgeyn doono” ayuu yiri wasiirka Arrimaha Gudaha Somaaliya.

Dhan kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, ayaa akhriyey magacyada sagaalka xubnood ee guddiga Xudduudaha iyo Federaalka ee ay golaha wasiirrada Soomaaliya Ansixiyeen, waxa uu intaa raaciyey in magacaabidda guddiyadan dhammaantood lagu saleeyey nidaamka awoodka qeybiosaga Soomaalida ee safar dhibic shan.

Guddiga Xudduudaha oo isaga loo asteeyey in ay ka shaqeeyaan Guddigaas, 1-Muuse Garad Cabdullaahi 2-Liibaan Cali Sahal 3- Maxamed Muxuddiin Sheekh Mursal 4-Dr Cabullaahi Gacal Cabdi 5-Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim 6-Saciido Xasan Cusmaan 7-Xuseen Xaashi Xasan 8-Cabdi Khaaliq Cabdullaahi Xamsa 9-Khaliif C/kariim Maxamed, dadkaasi aad arkeysaan ee 18-ka qofood ah, dhammaantood waxaa lagu saleeyey nidaamka awood qeybisaga ee 4.5, wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Guddiga la shaqeynayey waxa ay guddiga soo mariyeen nidaam dheer, Barlamaanka waxaan ka codsaneynaa in ay Kalsoonid siiyaan guddiyadan.

Guddiyadan saddex ah ee kala ah doorashooyinka Qaranka, Adeegga Garsoorka, iyo Xudduudaha iyo Federaalka waa guddiga Destuuri ah, kuwaas oo dalka gaarsiinaya nidaam Cadaalad maamul dhisan oo suuban iyo doorashooyin Dimoqoraaddi ah xor ah in ay ka dhacaan dalka sanadka 2016-ka inkastoo ay magcaabistooda qaadatay waqti ka badan sidii loogu talagalay ee Destuurka ku qoran.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip