Sababihii Dhaliyay Burburka Ciidanka XDS Qeybtii 3aad

0
Friday May 27, 2016 - 19:38:32 in Maqaallo by Mustaf Xuseen
  • Visits: 3515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sababihii Dhaliyay Burburka Ciidanka XDS Qeybtii 3aad

    Aas-Aaskii Jabhadii United Somali Congress (USC)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aas-Aaskii Jabhadii United Somali Congress (USC)

Waxey ka mid ahayd jabhadaha garbaka siyaasadeed iyo kan caskariga ahba leh, waxaa la aas-aasay Sanadkii 1987kii, waxey dowr weeyn ka ciyaartay rididii xukunkii dawladii Mohamed Siyaad Sanadkii 1991kii, waaxey u noqotay yool United task Force campaign ee Sanadkii 1993kii

Asaasayashii Ururkaasi waxaa ka mid ahaa: Cali Maxamed Cosoble Cali Wardhiigley; Xuseen Cali Shido,.

Shakhsiyaadka kale ee ku soo biiray waxaa ka mid ahaa: Maxamed Faarax Xasan Ceydiid Cali Mahdi Maxamed (SNA),,Muuse Suudi Yalxoow, Omar Finish, Osman Caato Maxamed Qanyare Afrax.

2004 dagaalo dhex maray USC waxaay u qaaybsantay kooxo yaryar.

Jabhadan Waxey ka soo jeeda koonfurta (gobolada dhexe ) iyo shabeelada dhexe, waxaa garabkeeda siyaasadeed lagu asaasay Caasimada Dalka Talyaaniga ROMA Bishii Janauary Sanadkii 1987kii.Garabkeeda military waxaa lagu asaasay Ethiopia Sanadkii 1996kii,waxaana hogaaminayey Gen.Maxamed Faarax Xasan Ceydiid, markii dambana waxaa badalay Wiilkiisa Xuseen Maxamed Faarax Xasan Ceydiid.

Asbaabaha lagu aas-aasay jabhadani waxey kala mid tahay kuwii jabahadihii hore aan u soo sheegay oo ku saleysnaa cadaalad darro laga tabanayey xukunkii milatari ee dalka ka jiray.

Sanadihii 1987-1991kii waxaa jiray hawlgalo balaaran oo ka jiray Goblada Dhexe

Bishii January 26, Sanadkii 1991kii Usc waxey ku guulaaysatay in Mohamed Siyaad uu ka baxo Magaalada Muqdisho,hase yeshee waxey Usc ku guuldaraaysatay in ey abuurto jawi nabadgalyo oo ay heshiis kula gasho jabhadihii kale ee soo halgamay sida, SNM, SSDF iyo SPM.

Arrinta ugu weeyn ee dib u dhaca iyo kala jabka ku riday USC waxey ahayd markii Mudane Cali Mahdi Maxamedloo doortay madaxweeynaha ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Markii Mudane Cali Mahdi Maxamed loo magacaabay madaxweeynaha ku meel gaarka ah, USC waxey u qeybsantay labo qeybood. oo kala ah USC/SNA oo hoos imaaneysay Gen.Maxamed Faarax Xasan Ceydiid, iyo United Somali Congress/Somali Salvation Alliance (USC/SSA)oo hoos imaaneysay Mudane Cali Mahdi Maxamed Balse markii dambe USC/SNAwaxaa hoggaankeeda la wareegay Xuseen Maxamed Faarax Xasan Ceydiid, ka dib markii uu geeriyooday Gen.Maxamed Faarax Xasan Ceydiid, sanadkii 1996kii.

Halka USC/SSA uu hogaamiye u noqday ku xigeenkii Ururkaasi oo ahaa, Xaaji Musa Sudi Yalahow.

Sanadkii 1998kii labadii garab ee USC waxey galeen heshiis nabadgalyo, arrintaasi waxey kala qaaybisay Xaaji Musa Sudi Yalahow, iyo Cali Mahdi Maxamed, dagaaliina wali Xamar waa ay ka socdeen xilligaasi.

Xuseen Maxamed Faarax Xasan Ceydiid, iyo Xaaji Musa Sudi Yalahow, ayaa heshiiyey, waxeyna labadooduba ku biireen Ururka Hesiiskka iyo Dibu dhiska Soomaaliya (SRRC) Sanadku markuu ahaa 2002dii.Arrintan waxaa ka soo horjeestay dawladii curdanka Ahayd ee TNG. Taasina waxey keentay kala fogaansho ku yimid dadkii raacsanaa Xaaji Musa Sudi Yalahow, iyo Cumar Finish oo labaduba hoggaan u ahaa Ururkii USC/SSA.

Sanadkii 2001dii, Xuseen Maxamed Faarax Xasan Ceydiid, waxuu asaasay Ururkii SRRC, oo ahaa garab hubaaysan oo ka soo horjeeday Dawlda TNG.

Waxaa xamar ka biloowday dagaalkii ahliga ahaa oo aan cidna loo aabo yeeleen, waxaa dadkii maatida ahaa oo ku nolaa magaalada loo isticmaalayaa hubka noocyadiisa kala duwan, waxaa biloowday qaxii ugu weeynaa ee abid ka dhaca Soomaaliya, dad aan la tiro koobi Karin ayaa ku dhintay dagaalkaa arxan la’aanta ah, sidoo kale dad aan la tira koobi Karin ayaa ku dhaawacmay.

Ummada Soomaaliyeed waxaay filaaysay in hadii Dawladii xukunka heysay ey meesha ka baxday iney helayaan dawlad badasha oo soo celisa nidaamkii iyo dawladnimadii, nabadgalyadoodana damaanad qaada, hase yeshee taasi ma dhicin.

Aas-Aaskii Jabhadii Somali patriotic movement (SPM)waxuu ahaa jabhad garab siyaasadeed iyo milatariba leh, qeyb weyn bay ka ciyaartay dagaalkii ahliga ahaa. Waxaa markii hore hogaaminayey Col Ahmed Omar Jess,ka dibna waxaa hoggaanka qabtay Gen. Adan Abdullahi Nur Gabyow (wasiir hore ee gashaandhiga),

Waxa saldhigeedu uu ahaa konfur Galbeed ama Jubada Hose Waxeyna taageersanayeen in jubada hose ay ka taliyaan Jabhada waxaa bilowgeedu ahaa dad ka soo jeeda Jubada Hose, degaan kaas oo hada lagu magacaabo Juba land.

Jabahada SPM markii hore waxEy la jirtay Jabhada USC kuwaas oo isku ujeedo ay ahaayeen, arrinta ugu weyn ee u hirgashay labadan Jabhadood waxey ahayd qabsashadii Balli Doogle maalmo ka hor inta uuna Siyaad Bare ka bixin Magaalada Muqdisho.

Markii Mohamed Siyaad uu ka baxay Muqdisho, waxa uu Mudane Cali Mahdi Maxamed uu ku dhawaaqay dawlad ku meel gaar ah isagoo ka tirsanaa qoladii lagu magcaabi jiray Manafesto jabhadihii kalena kuma uu wargalin, SPM waxaa lagu edeeyey in ey la safantahay Mohamed Siyaad Barre oo doonaya in uu soo rogaal celiyo waxaana lagu qaaday weerar.

Halkaa waxaa ku Burburay Ciidankii XDSiyo Dawladii ka jirtay Wadanka Soomaaliya, hubkii waxuu gacanta u galay jabhado war lords,iyo guud ahaan daweeynihii,waxaa lumay nidaamkii iyo xasiloonidii,waxaa biloowday dagaal ahli ah oo aan ku fadhiyIn wax micna leh, waxaa la laa,yey dadweeyne aan wax dambi ah laheyn oo loo dilayo haybta uu ka soo jeedo Halkaas ayeey ku xirantay tariikhdii Ciidanka XDS,

Balse Ururadaasi ka dib waxaa dalka ka curtay dowlado ku meel-gaar ah oo midba mida ka dambeysaahi ay ku dadaaleysay sidii dib u dhis loogu sameynlahaa Ciidamada Qakabka Sida Gaar ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intaa ka dib Sanadkii 2012kiimarkii uu dalka ka baxay Kumeel-gaarka waxaa xoogga la saaray sidii dib u dhis balaaran loogu sameyn lahaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa uuna haatan marayaa meel wanaagsan.

Taariikhdu Waa Mudan Waa Tiro Marqaati Leh

W/D Tifaftiraha warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida

Ustaad:- Cumar Maxamed Kulmiye

Fadlan Ilaali Xuquuda Qoraaga




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip