
Sababihii Dhaliyay Burburka Ciidanka XDS Qeybtii 2aad
1-Dagaalkii 1977 aan la galnay Ethiopia, ciidan ahaan iyo qalaba waa uu diyaarsanaa XDS waxuuna lahaa awood uu ku burburiyo cadawgiisa, hase yeeshee waxaa dhibku ka yimid kaalintii siyaasadeed ee dawliga ahaayd, waxaay madaxda dalku go’aansatay in dagaalkaa la galo lana xoreeyo Somaali Galbeed wax kasta ha dhacaane, labadii quwadood ee aduunka ka talinayey Bari iyo Galbeedba si cad ayeey dawlada Soomaaliya ugu wargaliyeen in aanu la galin dagaal Ethiopia, hase yeshee dawlada soomaliya waay iska dhagatirtay arrintaa,waxaayna keentay in Galbeedku noo diido in uu na hubeeyo, Bariguna uu diyaariyo Huwan ka kooban ilaa 30 dawladood oo dagaalka nooga soo horjeesta lana soo saftay xabashida.
2-Cadaalad darro saamaaysay ciidanka, oo aay ka
mid tahay bixinta darajooyinka ciidanka,iyo magacaabidda jagooyinka.
3-Saraakiil badan oo aqoon ciidan oo sare leh (Akademic)
oo aan wax shaqo ah u haayn ciidanka lana dhac dhacay sidii aay u dabooli
lahaayeen nolol maalmeedkooda iyo tan qooysaskooda (bool).
4- dhaq dhaqaayo looga soo horjeedo Dowladda
oo ka bilowday qaar ka mid ah gobolada dalka, kuwaa oo keenay in ciidankii XDS hawlgaladiisii u
soo warejiyo gudaha dalka sida Gobalada Bari iyo mudug; Gobalada dhexe; iyo Waqooyi
galbeed
5- Hubkii dawlda oo gacanta u galay
dadweeynaha
6-Jabhadihii abuurmay dagaalkii 1977 dabadii.
Waxaa dalka ka abuurmay jabhado intii ay
dawladii dhexe ka jirtay dalka oo uu
hoggaanka u ahaa S/Gaas Mohamed Siyaad kuwaas kala ah:
-Somali Salvation Democratic Front (SSDF)
-Somali National Movement (SNM)
-Somali National Front (SNF)
-Somali Patriotic Movement (SPM)
-United Somali Congress (USC)
– AL-Itihaad Al- Islaamiya (AIAI)
– United Somali Root (USR)
Jabhadihii abuurmay marka aay Dawladii
dhacday 1991-1995
-Somali National Alliance (SNA)
– Somali National Front (SNF)
– Somali Democratic Alliance (SDA)
– United Somali Front (USF)
– Somali African Muke Organization (SAMO)
– Somali National Democratic Union (SNDU)
– Somali National Union (SNU)
– United Somali Party (USP).
Somali Salvation Democratic Front
Waxaa abuurantay jabhadii la oran jiray SSDF
Somali Salvation Democratic Front, oo ka mid ahaayd dhawr jabhado siyaasadeed
oo leh garabo milateri, kuwaas oo isku ujeedo ahaa, ujeedadooduna ahaayd in
laga tuuro xukunka jeneraal Mohamed Siyaad Bare iyo xukunkiisa milatari.
Jabhada SSDF waxaa la
aas-aasay sanadkii 1978, waxaan ka xusaaynaa asaasayaashii jabhadaa
Abdullahi Yusuf Ahmed; Muse Islam;Hassan Ali Mire; iyo Mohamed Abshir Muse iyo
in kale. Awooda ugu weeyn ee jabhadaas waxaay ka soo jeday beelaha Dega Mudug
ilaa bari .waxaa kale oo gacan ka gaaystey hirgalinta jabhadaa
ganacsato,indheer garadka u dhashay beeshaa aan kor ku xusnay iyo dadweeyne
kale oo kala duwan.
Sanadkii 1978 ayuu
fashilay isku day inqilaab la rabay in xukunka looga tuuro mi Mohamed said barre
iyo dawladiisa ,saraakiil badan oo loo aaneeynay inqilaabkaa ayaa la toogtay, Col.
Abdullahi Yusf iyo saraakiil kale oo la socotay ayaa u gudbay dhanka Ethiopia,waxuuna
abuuray jabhadii la oran jiray Somali Salvation Front, oo markii dambe
isu badashay Somali Salvation Democratic Front (SSDF) 1979.
Ciidamadu waxey weerar ku qaadeen degaano ka
tirsan Gobolka Mudug iyo Nugaal halkaas oo lagu laayey dad badan, barkadihii
biyaha laga cabayey la burbur buruyey, taas oo keentay in dad badan oo magac ku
leh degaanka aay ka qaxaan kuwo kalana xabsiga loo taxaabay, arrintaas waxaay
keentay in dad badan oo u dhashay degaankaasi aay ku biiraan Jabhada SSDF.
SSDF waxaay noqotay tii ugu horaysay dhawr
jabhadood oo u halgamayey in ka tuuraan xukunkii Mohamed Siad Barre.
SSDF waxaay ka samaaysay hawlgalo kala duwan
xuduuda u dhaxaaysa Soomaaliya iyo Ethiopia,1982 hawlgalkaas oo lagu qabtay
Geeldogob iyo Balanbale ayeey xabashida iyo SSDF isku qabteen taas oo SSDFaay diiday in laga taago calanka Ethopia "anagu waxaan la dagaalamaayna
xunkunka dctatooriga ah ee k a jira Soomaaliya ma ogolin in dhulkayaga la kala
gooyo” waxaa yiri Abdullahi Yuusuf waana arrintii keentay aakhirkii in Mingistu
uu xiro Abdullahi.
Hawlgalo aad u tiro badan ayeey SSDF ka
fulisay xuduuda iyo guaha Somaaliya kuwaas oo khalkhal iyo burburba ku
saameeyey dawladii xukunka heysay Khilaaf ayaa ka soo dhex muuqday SSDFiyo kooxdii u xaglinaaysay garabka bidix.
Sanadkii 1984kii waxaa uu Mingistuxabsiga u taxaabay qaar ka mid hogaankii SSDF oo uu ka mid yahay Abdullahi
Yusuf. Waxaana noqday hogaamiyhii SSDF Mohamed Abshir Walde.
Sanadkii 1985kii waxaa
joogsaday hawlgaladi SSDF aay ku haaysay xukunkii Siad Barre.
Sanadkii 1986kii waxaa la
qabtay shirweeynihii SSDF, waxaana gudoomiye loo doortay Dr. Hassan Ali MireWaxuu jagadaa iska casilay Sanadkii 1988kii, jagaduna waay
banaanaayd ilaa laga doortay Muse Islam inta la isugu yeerayo shirweeyne.
Sanadkii 1988kii Soomaaliya
iyo Ethiopia ayaa ku heshiiyey in colaada labada dawladood la joojiyo,Ethiopiawaxaay xirtay xeryihii SSDF ,waxey kaloo xirtay Radio Halgan.
Sanadkii 1988kiidagaalyahanadii SSDF gudaha ayeey soo galeen waxaayna la waregeen Degaanada
Mudug Nugaal iyo Gobolka bari.
Wixii ka danbeeyey 1991
Markii u dhacay xukunkii Mohamed Siyaad,
waxaa jabhada SSDF ay u qeybsantay labo qaaybood. Mid waxaa hogaaminayeyJeneral Mohamed Abshir Muse (Gudoomiye), oo waqtigaa ku sugnaa Saudi
Arabia, Garabka kalana waxaa hogaaminayey Col.Abdullahi Yusuf Ahmed
(Gug.ku xigeen), Waxaa Xohaye guud ahaa Mohamed Abshir Walde.
Bishii August Sanadkii 1994 ayaa shirweeyne
la qabtay waxaa isimada qaarkood ay soo jeediyeen in Abdirizaaq Haji Husseinoo horay uga noqday Soomaaliya raiisul wasaare in loo magacaabo hogaamiyaha
SSDF hase yeshee uma aysan suuragalin.
Waxaa jagadaa qabtay Abdullahi Yusf,waxuuna dagaal kharaar ku qaaday ururkii Al-itixaad oo haaystay magaaldaBosaaso iyo dekedaba.
PUNTLAND
Sanadkii 1998kii shirweeyne
ayaa Garoowe lagu qabtay kaas oo socday muddo 3 bilood ah,waxaa shirkaa ka soo
qaayb galay wakiilo ka socda Sool,Sanaag,Caayn,Bari,Nugaal,iyo,Mudug,isimo
Culumaa u diin, Aqoon yahano,waxgarad waxaana hakaa lagu dhisay markii u
horaaysay maamul goboleedkii Puntland State of Somalia, waxaan
madaxweeynihii u horeeyey loo doortay Col Abdullahi Yusf Ahmed oo
labo jeer xilkaa hayey,
Sanadkii 2004tii waxaa Abdullahi
Yusuf Ahmed loo doortay Madaxweeynihii dawldadii ku meel gaarka ahayd ee
Soomaaliya, kaas oo si rasmi ah dawlada u soo dajiyey Mugadisho Villa
Somalia.
Somali National Movement
Waxaa la aas-aasay 1980-1990 waxaa
abuuray oo hogaaminayey Beesha Dhexe ,Ujeedadeedu waxaay ahaayd sidii loo ridi
lahaa xukuumadii Mohamed Siyaad, dabadeena aay uga go’I lahaayeen Soomaalida
inteeda kale.
Madaxdii hogaaminaaysay SNM oo isaga
dambeeyey waxaay ahaayeen:-Ahmed Mohamed Guleed; Sheikh Yusuf Ali
Sheikh Madar; Col Abdulkadir Kosar: Ahmed Mohamed Mohamud; Abdirahman
Ali Tuur.
Bishii April Sanadkii
1981kii ayaa koox Somaaliyeed oo daganaayd bariga London (white
chapel) aay sameeyeen SNM,
Sanadkii xigay waxey SNM saldhig ka
dhigatay Diri dhaba Ethiopia, waxaay bilabeen in aay weeraro ku qadaan Waqooyi
Galbeed iyo Togdheer, sida SSDF ayeey SNM yeelatay
garab milatari iyo mid siyaasadeed, hawgaladii ugu weeynaa ee aay qaadeen waxaa
ka mid ahaa kii aay ku qadeen xabsiga Mandheera oo ah agagaarka Berbera
halkaas oo maxaabiis ku xirnaayd ay ka siidaayeen.
Dawldadii Mohamed Siyaad waxaay ku soo rogtay
xaalad deg deg emergency Gobolada Waqooyi.
Bishii March 19, Sanadkii 1988kii Madaxweynayaashii
Somaliya Iyo Ethiopia oo ay kala hoggaaminayeen Mohamed Siyaad iyo Mingistu
ayaa ku kulmay Dalka Jabuti waxaayna ku heshiiyeen in hawgalada u dhexeeya labada wadan la
joojiyo hase yeshee wax yar ayaa ka hirgalay, Bishii March Sanadkii1988kii Wasiirkii Arrimaha Dibada Ee Dowlada Ethiopia Berhanu Bayth ayaa
yimid Magaalada Muqdisho, waxaana lagu heshiiyey in xiriirkii dibolomasiga
ahaa ay labada dawladood soo celiyaan, maxaabiistii dagaalkana la is
weydaarsado,xuduuda laga kala qaado ciidamada labada dal,dacaayadahana la
joojiyo.
Xabshidu waxaay SNM ka goysay
mucaawanadii aay siin jirtay, SNM waxaay xiriir dhaw la yeelatay Ururadii
USC iyo SPM si hawlgalo looga qaado Konfurta Soomaaliya, waxaayna u fidisay
labadaa jabhadood tageero milatari iyo mid siyaasadeedba labadaa jabhahdood,
ujeedadoodu waxey ahayd in dhawr wajahadood oo dagaal uu ku furmo dawladda si
ay awoodeeda loo dhantaaliyo.
Bishii May 27, Sanadkii 1988kii Snm waxaay
soo qaaday weerar balaaran oo ay ku soo galeen magaalooyinka Burao iyo
Hargaysa, Bishii May 31, Sanadkii 1988kii Dawldu waxey xoog u
garaacday goobihii ay SNMtu ay soo gashay waxaayna ku khasabtay SNMin ay ka baxaan magaalooyinka.
Waxaa halkaa ka dhashay dhimasho aad u
balaaran waxaana ugu yaraan u qaxay dalka Ethiopia dad lagu qiyaasay ilaa
iyo 300.00 oo ruux oo maati u badan, markey Ethiopia SNMka soo baxaday waxey soo galeen waqooyi galbeed, waxey ku guuleysteen in
ay dhul aad u weeyn qabsadaan,
waxeyna kalsooni weeyn ka heleen dadweeynihii
ku Dhaqnaa Gobolada Waqooyi Galbeed iyo Tog-dheer ee degaankaa ku nolaa,
hase yeshee waqtigaa uma suuragalin in ay qabsadaan magaalooyinkii waaweeyna
sida Hargaaysa;Burao; Berbera iyo Boorama.
Jabhadii SNM waxey xiriir
dhaw la sameysatay Ururkii USC taa oo ka hawlgalaaysay koonfurta iyo SPMoo iyduna ka hawlgaaysay Gobolada Bay iyo Jubooyinka jabhadahaas oo ku
hamiyayey in ay xukunka ka tuuraan Mohamed siaad Barre.
Bishii November 19, Sanadkii 1989kii, JabhadahaSNM iyo Spm waxey soo saareen warmurtyieed ay ku tilmaamayaan in ey”
mideeyeen siyaasadooda gudaha iyo dibadaba” Bishii September 12,1990, SNMwaxey sidoo kale heshiiskaasi la gashay USC, Bishii November 24, Sanadkii
1990kii.
Jabhadii SNM waxey ku
dhawaaqday in ey la midowday Ururadii USC iyo SPM si aay u yeeshaan
qorshe mideysan oo aay kula dagaalamayaan dawladii uu hoggaanka u hayay S/GaadMohamed
Siyaad,
Jabhadii SNM waxey heshiis la
gashay Gen Maxamed Faarax Xasan Ceydiid iyadoo khilaafka u dhexeeya USCuu sii balaaranayo. Bilowgii Sanadkii 1991, saddexda jabhadood waxey
sameeyeen horumar caskari ah.
Bishii January 26, Sanadkii 1991kii USC waxey Xamar
uga dhawaaqday dawlad, taas oo ay Jabhadii SNMtu diiday in ay aqoonsato
maxayeelay mar kasta waxaa u qarsoonaa SNM in ey ka go’do Soomaali
inteeda kale taas oo aysan ka warheyn Ururadii
USC iyo SPM.
Bishii May 18, Sanadkii 1991kii SNM waxey
ku dhawaaqday in Waqooyi Galbeed ay ka go’day
Soomaaliya inteeda kale eyna dhisan doonaan Somali Land Republic oo ilaa
manta aan la aqoonsan.
Taariikhdu Waa Mudan Waa Tiro Marqaati Leh
W/D Tifaftiraha warbaahinta
Ciidamada Qalabka Sida
Ustaad:- Cumar Maxamed Kulmiye
Fadlan Ilaali Xuquuda Qoraaga
Sababihii Dhaliyay Burburka Ciidanka XDS Qeybtii 2aad
Wey badan yihiin asbaabaha keenay burbuka XDS, hase yeeshee waxaan soo qaadanaaynaa qaar ka mid ah: