Taariikhda Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed iyo Marxaladihii Kala Duwanaa Ee Uu Soo Maray Qeybtii 1aad

0
Friday May 27, 2016 - 15:42:42 in Maqaallo by Mustaf Xuseen
  • Visits: 7253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed iyo Marxaladihii Kala Duwanaa Ee Uu Soo Maray Qeybtii 1aad

    Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Waxaa la aas-aasay 12kii-April 1960kii oo waqtigan laga joogo muddo 56-sanadood waxa uuna xilligaasi ka koobna ciidamka ilaa iyo 8-Horimood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Waxaa la aas-aasay 12kii-April 1960kii oo waqtigan laga joogo muddo 56-sanadood waxa uuna xilligaasi ka koobna ciidamka ilaa iyo 8-Horimood.

 

 

Sideedaasi horimood ayaa lagu aas-aasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaana Taliyayaal looga Dhigay Saraakiil gaaraya ilaa iyo sideed sarkaal oo qaatay darajada ah dhamme kuwaa soo ay ka mid ahaayeen.

Maxamed Cali Samatar Salaad Gabeyre Kadiye Maxamed Faarax Xasan Ceydiid Cabdalla Maxamed Faadil Cilmi Nuur Tareey Abuukar Gacal Cabdulqaadir dheel Abuukar Suulaleey.

Markii la aas-aasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa taliye looga dhigay Gen Daauud Cabdulle Xirsi waxaana abaan duulaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo magcaabay Gen Maxamed Siyaad Barre.

Taariikhda iyo Dhismaha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa soo maray marxalado kala duwan ciidanka tan iyo markii la aas-aasay 12kii April Sanadkii 1960

Marxaladii KoowaadSanadkii 1960-kii ilaa iyo Sanadkii 1969kii xilligaas oo ay wadanka maamulayeed dowladihii rayidka ahayd waxa uu waqtigaasi ku jiray ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed marxalad soo korid ah isaga oo ciidanku ahaa xilligaasi mid tayo ahaan aaan u dhisneyn ayadoo taasi ay jirto ayey hadana guulo taariikhi ah waxa ay ka gaareen dagaalkii ay ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed ay la galeen ciidamadii xabashida Sanadkii 1964-kii.

Marxaladii labaaday soo mareen ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed waxay ahayd intii u dhaxeysaysanadihii 1969kii-ilaa iyo Sanadkii 1990kii waqtigaasi oo ahayd xilligii Dowladii milatariga ee uu hoggaanka u ahaa S/Gaas Maxamed Siyaad Barrewaqtigaasi Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa xilligii uu ugu dhismaha iyo tababar badnaa.

Waxaana labalaariyay Dhismihii Ciidanka iyo hoggaamada kala duwan ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed waxaana la dhisay ciidanakii lugta kuwa cirka iyo ciidankii badda waxaana laxoojiyay oo labalaariyay Qeybihii Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolada Dalka ku waa soo xarumo ay ku lahaayeen magaalooyinka Muqdish Dhuusamareeb Hargeysa iyo Kismaayo.

Ciidanka Xoogga Dalaka Soomaaliyeed waqtigii uu maamulayay dalka kacaakii uu hoggaaminayay ciidamadii Qalabka siday waxay ka gaareen xagga dhismaha iyo farsamada heer aad u sareeya waxayna ka soo qeyb qateen Dagaallo iyo howlgallo Nabad ilaalin ah oo lagu soo celinayay Qaar ka mid ah dalalka ka tirsan qaarada afrika oo ay ka mid ahayd Ugandha taasina waxay sababtay iney cidamada xoogga dalka soomaaliyeed ay ku kasbadeen in loogu yeero Libaaxyada Africa.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar labaad dagaal lagaleen ciidamadii xabashida ee Ethiopia Sanadkii 1977kii kaasi oo noqday dagaal taariikhi ah oo ay lama filan la noqotay dowladihii caalamka ugu waa weynaa ee ka kala tirsanaa Gashaanbuurtii Neto iyo Waarso oo ay kala hoggaaminayeen Dalalka Mareykanka iyo Ruushka.

Inkastoo dagaalkii dhexmaray ciidamada Ethiopia iyo kuwa Soomaaliya waxaa si toos ah faragalin ugu sameeyay dagaalkaasi dowladii midowgii soofiyeeti laakiin hadii uusan soo fara galin lahayn Ruushka waxaa hubaal ahayd in Ethiopia ay Gacanteeda ka bixi lahayd dhulka soomaalida ee hada Gacanteeda ku jira.

Marxaladii seddexaadee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay galeen waxa uu ahaa Sanadihii 1977kii ilaa iyo 1980kii waxaa xilligaasi soo wajahay ciidamada Naaqus kaasi oo sii socday ilaa iyo Sanadkii 1989kii, Xilligaasi oo qaar ka mid ah sarakiishii ciidanka ay ku biireen jabhadihii mucaaradka ahaa ee xukuumadii Gen Barre Ka soo horjeeday taasina waxay sababtay iney ciidamada awoodooda ay aad u wiiqanto waxaana bur bur ku yimid nidaankii iyo Dibashiliinkii uu lahaa ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed waxaana abuurmay dhaq-dhaqaaqyadii jabhadaha ku dhisnaa hab Qabiileedka.

waxaana markiiba dhacday in ciidamadii xoogga dalka soomaaliyeed iyo ciidamadii kale ee qalabka siday lagu amray iney hubka ku wareejiyaan jabhadihii hab qabiileedka ku dhisnaa taasina ay sababtay inuu hubka gacanta u galo shacabka kadibna qabiil qabiil la isku laayo sidaasi ayuuna ku bur-buray ciidakii xoogga dalka soomaaliyeed ilaa laga gaaro dhismihii dowladihii ku meel-gaarka aahaa ee dalka ka curtay

Ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed ayaa mar labaad dibloo yagleelay waxaana hada ay ka soo kabanayaaan dhibaatooyinkii iyo hagardaamadii ka soo gaartay bur-burkii dalka ku yimid.

Ciidanka X.D.S waxa uu ahaa awooda ugu weeyn dalalka ka hooseeya Saharaha waxa uuna kaalmo u fidin jiray jabhadihii gobanimadoonka Afrika sida Angola; Mozambiik; Eritrea IWM.

 

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Waxa uu tababaro siiyey Ciidanka Cirka ee Wadanka Burundi Waxuuna qeyb libaax leh ka qaatay masiibooyinka dabiiciga ah ee la soo gudboonaada ummada soomaaliyeed sida abaaraha, fatahaadaha Sidoo kale waxuu qaayb libaax ka qaatay ololihii barashada farta afka soomaliga iwm.

Ciidanka X.D.S waxa uu lahaa Maxkamadda C.Q.S oo lagu qaado dambiyada ciidanku galo iyadoo loo cuskanayo Xeerka Ciqaabta (Codice Penale Miletare) waxaa kale uu lahaa Buuga Anshaxa milatariga (Debeshilin milatare).

Ereybixintta-XDS sidii aan horay idiinku sheegnay af soomaliga ka hor qoristiisa waxuu lahaa erybixintiisa af soomaliga oo ku qoran afka laatiinka,waxaana loogu talo galay in ciidanku wax ku barto afka soomaaliga si looga maarmo Taliyaanigii iyo ingriiskii looga hadlayey Gobolada waqooyi iyo konfurta.

Tusaale ahaan waxaan u soo qaadanaaynaa:

Ciyaarsiiska:- Digtoonow,nasta Horay U Soco, Dib Ujeeso,Midig U leexo, Darandoori.

Darajooyinka Ciidamada Qalabka sida Waxa ay ka bilaabataa: jadiid dable,

alifle,labo-alifle,Sadex-alife, middle,labaale,Saddexle

xidigle,laboxidigle,Dhamme-

(saraakiishasare) Gaashaanle,Gashaanle dhexe, Gashaanle sare

(sareeyeyaal) Sareeye,Guuto,Sareeye,Gaas, Sareeye,Guud.

Dhismaha Ciidankuna waxa uu u dhisanyahay sidan (Cidanka):unug, koox, Horin,Urur, Guuto, Gaas,Qaayb.

Dhanka xeeladaha dagaalka):weerar, difaac, dagaal ka bax iyo dib u,gurasho,(colalka):Guulwade,birjeex,dhufsade,hilaac, gam’diid,dayax,danab,libside,dararaweeyne,oodweeyne iwm.

Qaabdhismeedka Ciidanka X.D.S waxuu ka koobnaa: Taliyaha X.D.S Abaanduulaha, madaxda Hoggaanada X.D.S waxuu lahaa Dhakhaatiir Injeneero iyo Aqoonyahano Khibrad aad u saraaysa leh, waxuu lahaa warshada hubka iyo Rasaasta ee Mahadaay, warshadda Kabista Gaadiidka, Warshadda Qalabka Xafiisyada iyo Guryaha, Warshada dharka, Hogaanka dhismaha, Beero I.W.M. Waxaa kale oo uu lahaa ciidanka:

-Kulliyada Jalle Siyaad ee lagu diyaarin Jiray layili saraakiisha;

-Kulliyada Abaanduulka (stato majore) oo lagu Tababari Jiray Saraakiisha Sare Kooxdii ugu horeeysay ee ka qalinjabisay kulliyadaa waxaa ka mid Gen C/qaarir Shiikh Cali Dini.

-Kuliyadii Ciidanka Cirka Lagu Tababari Jiray Ee Kismayo.

Dagaalkii 77 markuu dhamaaday Ciidamadii XDS waxaay dib ugu soo laabteen saldhigyadoodii aay markii hore ka duuleen,Waxaa la bilaabay in dib u habaayn lagu sameeyo ciidamada lana dayactiro hubkii iyo qalbkii lagala soo baxay dagaalka,waxaa gacan weeyn ka geestey dayctirkii qalabka dagaalka dawladda Pakistan oo madaafiicda iyo Taangiyadii Dagaalka ku soo Ciladoobay si hagar la’an ah u dayactiray.

Waajibaadka XDS waqtigan waa in la xiro xuduuda Jamhuuriyada Soomaaliya,lagana difaaco iskudayga cadawgu in uu ku soo xadgudo xuduuda Soomaaliya.

Waxaa safar Dheer Ku Samaayey Deegaanada XDS dhamaantood Wasiirkii Gashaandhigga ee Xilligaasi Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar iyo saraakiil ka socotay dhamaan Hoggaamada Kala duwan ee Ciidanka XDS si aay u dhiiri galiyaan ciidanka.

Waxuu u akhriyey ciidamada khudbado wadani iyo dhiirigalin ah waxaa ereyadiisii ka mid ahaa: (Libaaxii libaaxyada boqortooyadii xabashida ee 3,000 kun oo sano dawlada ahayd waxaa muday oo neefta ka saaray irbad yar oo soomaaliya la yiraahdo,Ethoopia waay aqoon san doonta Geesisinimada iyo wadaninimada ciidanka XDS waa bir aan la loodin Karin taariikhda ummada Soomaaliyeedna baal dahaba ayuu ka galayaa).

Sanadkii 1979 ilaa iyo sanadkii 1991kii wixii ka dambeeyay waxa uu wadanka galay qalaase dagaal oo Aakhirkii u horseeday Burbur Ku Yimid Ciidanka iyo Guud Ahaan Dawladii ka jirtay wadanka Oo Idil.

Ogsoonoow taariikhdu waa mudan waa tiro marqaati leh

W/D Tifaftiraha warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida

Ustaad:- Cumar Maxamed Kulmiye

Fadlan Ilaali Xuquuda Qoraaga





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip