Taariikh Nololeedkii Allah U naxariistee Gen Maxamad Ibraahim (Liiq-liiqato).

0
Thursday May 26, 2016 - 16:14:20 in Maqaallo by Mustaf Xuseen
  • Visits: 3585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololeedkii Allah U naxariistee Gen Maxamad Ibraahim (Liiq-liiqato).

    Gen Maxamad Ibraahim (Liiq-liiqato), wuxuu ku dhashay magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose ee dalka Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1921kii. Yaraantiisii wuxuu dhigtay dugsiga qur'aanka kariimka ah ka dibna wuxuu qortay askartii Ingir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gen Maxamad Ibraahim (Liiq-liiqato), wuxuu ku dhashay magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose ee dalka Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1921kii. Yaraantiisii wuxuu dhigtay dugsiga qur'aanka kariimka ah ka dibna wuxuu qortay askartii Ingiriisku lahaa ee la oran jiray Gendermaagii Ingiriiska Sanadihii 1939-1945- wuxuu isteeshimada Xamar mid ka mid ah ka noqday (O.P). sarkaal qora wixii habeenkaas dhaca ama dacwa ah, ka dibna wuxuu Darajada Isbatoore ka gaaray Ciidankii Booliiska ee Gendermaariiga.

Sanadkii 1950kii- wuxuu ka mid noqday Booliiska Soomaaliyeed ee Talyaaniga dalka maamulkiisa qabtay (Amministrazione Fiduciaria Italo Somala A.F.I.S),wuxuuna waqtigaas noqday Isbatoore Laba ah.

Sanadkii 1952-kii isaga iyo saraakiil xigeeno kale oo Soomaali ah ayaa loo diray dalka Talyaaniga si ay u soo kororsadaan culuum la xiriirta tababarada ciidamada, Sanadlii 1954kiiayuu ku soo laabtay dalka isagoo ah xidigle, waxaa kale oo uu ka soo shaqeeyey magaalooyin kala duwan oo dalka gudihiisa ah sida Gaalkacyo oo uu ka soo noqday Taliyihii saldhigga booliiska magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sanadkii 1960-kii waxaa loo dalacsiiyay darajada Gaashaanle Sare iyo taliye ku xigeenkii ciidamada Boliiska Soomaaliyeed, Sanadii 1964kii ayaa loo wareejiyey Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna noqday Janan iyo Waxaana loo magcaabay Taliye ku xigeenka ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sanadkii 1969kii oo ku beegnayd markii ciidamadu dalka la wareegeen wuxuu noqday Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalkii la oran jiray Midowga Soviet-ka ama USSR.

Sanadkii 1971kii wuxuu noqday Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Dalka Jarmalka Galbeed, Sanadkii 1974waxaa loo magacaabay in uu noqdo Wasiirkii Beeraha ka dibna wuxuu noqdayWasiirkii Ganacsiga ee Soomaaliya, wixii xilligaasi ka dambeeyey waxaa loo badalay xarunta dhexe ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed, ka dibna waxaa loo magcaabay Guddoomiyihii Hoggaanka Dhaqaalaha.

Sanadkii 1983-kii waxaa loo doortay in uu noqdo Gudoomiyihii Golaha Shacbiga ( President of the National Assembly), wuxuuna jagadaas hayey ilaa iyo Sanadkii 1989kii.

Markii ay Bur-burtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxa uu isku dayey marxuumku in uu ka shaqeeyo heshiis dhexmara beelihii U.S.C-da ee khilaafku ku dhex maray magaalada Muqdisho,waxaana lagu xusuustaa marxuumka iyo Macallin Nuur Maxamad Siyaad oo baabuur calamo cad cad ku xiran yihiin la dhex mari jiray goobihii ay isku hor fadhin jireen maleeshiyadii ay kala hoggaaminjireen Mudane Cali Mahdi Max’ed iyo Gen. Max’ed Faarax Ceydiid.

Gen Maxamad Ibraahim (Liiqiiqato), waxaa uu Qoray Buug uu ugu magac daray Dalkii Filka weynaa ee Punt, waa buug xambaarsan taariikh fara badan oo ciddii aqrisaa ay ka heli doonto macluumaad badan oo aysan horay u ogayn, Buuggani wuxuu ku qoran yahay luqadda afka Soomaaliga laguma amaanayo koox gaar ah ama deegaan gaar ah wuxuuna si faahaahsan uga sheekaynayaa taariikhda dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo idil.

Allaha u naxariistee Gen Maxamad Ibraahim (Liiqiiqato), wuxuu geeriyooday taariikhdu markay ahayd 30kii bishii May sanadkii 1998kii, wuxuuna ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxaana lagu aasay deegaanka Kax Shiiqaaleed oo ka tirsanayd Xilligaasi Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Ogsoonoow Taariikhdu Waa Mudan Waa Tiro Mar Qaati leh

W/D Tifaftiraha warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida

Ustaad:- Cumar Maxamed Kulmiye

Fadlan Ilaali Xuquuda Qoraaga.



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip