Maxaa lagu Xusuustaa Wax Qabadkii Gen Maxamed Cali Samatar

0
Thursday May 26, 2016 - 15:56:11 in Maqaallo by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Maxaa lagu Xusuustaa Wax Qabadkii Gen Maxamed Cali Samatar

    General Samanatar wuxuu bilaabey inuu xil u qabto ummada Soomaaliyeed isagoo 25 sano jira markaasi oo uu taliya ka noqday Saldhiga Degmada Marka isagoo xiddigle ah oo ka soo qalin jibiyey kuliyad militri oo ku taala dalka Talyaniga, wuxuuna ka mid no

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

General Samanatar wuxuu bilaabey inuu xil u qabto ummada Soomaaliyeed isagoo 25 sano jira markaasi oo uu taliya ka noqday Saldhiga Degmada Marka isagoo xiddigle ah oo ka soo qalin jibiyey kuliyad militri oo ku taala dalka Talyaniga, wuxuuna ka mid noqday saraakiishii dhalinyarada ahyd ee muujiyey karti ay ku hanana karaan sugida ammaanka dhulkooda hooyo taasi oo gummeystihii Talyaniga ku kaliftay inuu ogaalaado inay gacanta ku dhigaan maamulka amnigooda.

Waxaa iyana xusid mudan in 1Luulyo 1960 habeenkii calanka Soomaalida la saarayey uu General Maxamed Cali Samantar uu ahaa taliyihii watay ee dalbanayey cutubyadii calanka salaanta siinayey wuxuuna Samatar markaasi ahaa taliye xiggeenka ciidanka gobolka Banaadir Waxaa iyana aan la iloobi Karin kaalintii uu ka qaatey dagaalkii 1964tii ee Dowlada Ethiopian ku soo qaadeen dawladii da'da yareyd ee Soomaaliya.

General Maxamed Cali Samantar wuxuu ka daagaal galay aagga Togwajaale halkaasi oo ciidankii uu watey ka muujiyeen geesinimo dalkana ka difaceen ciidamadii Ethiopia wuxuuna ku muteystey bilad iyo dalacaad.

General Maxamed Cali Samantar oo ah Askari loo tababarey difaaca dalka una dhaartey inuu xilkaasi si daacadnimo ah u guto ayaa waxaan taariikhdiisa lagu xusuustaa dhismahii xoogga dalka Soomaaliyeed intii uu ahaa wasiirka gaashaandhiga isagoo gaarsiiyey heer ay Soomaliya yeelato ciidanka ugu tayo sareyeeya Qaarada Afrika.

Waxaa kaloo dunida oo dhami ku baratey General Maxamed Cali Samantar hogaamintii ciidamadii Soomaaliya ee cududa ku muquuniyey ciidamadii Ethiopia ee lagu tilmami jirey libaaxa Afrika sannadkii 1977 iyo dagaalgelintii uu u dejiyey dagaalkaasi oo ka mid noqotay duruusta lagu barto dugsiya istaratijiyada dagaalka ee aduunka.

General Maxamed Cali Samantar oo ah nin qaran doorkiisu kuma ekeyn difaaca dalka oo keliya ee wuxuu horseed ka noqday hawlihii deblomasiyad soomalida ee waqtigii dagaalkii qaboobaa ka jirey dunida wuxuuna doorweyn ka qaatey meelmarinta siyaasaddii Soomaalida isaga oo ah nin si weyn looga soo dhoweeyo dalkii Midowga Sifooyi lagu magcaabi jiray iyo dalka Mareykan.

Waxaa taariikhdaa ku cad in General Maxamed Cali Samantar uu ahaa nin Somali ah oo aad u naxariis badan muddo dheerna ka mid ahaa madaxdii dawladii soomaliya marna aan lagu eedeyn ama lagu xaman ficil xun ama dibindaabyo biniaadanimo wuxuuna ka mid yahay madaxdii Soomaliyeed ee fara ku tiriska ahaa ee ku caan baxay akhlaaaqda wanaaga iyo hogaaminta toosan taasi oo ay ka markhaati ka kacayaan inta badan ummmada Soomaliyeed ama dadka sida dhabta ah u yaqaan Gen Maxamed Cali Samantar.

General Maxamed Cali Samantar waxa uu ahaa nin jecel in Soomaali mid ay ahaato, meelna ay uga soo wadjeesato cadawga Soomaliyeed.

Taariikh Ummada soomaliyyed waa mid lama iloobaan ah waxay leedahay wadaniyiin iyo madaxda naftooda u horay, xoogooda iyo maskaxdooda.

Ogsoonoow taariikhdu waa mudan waa tiro marqaati leh

W/D Tifaftiraha warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida

Ustaad:- Cumar Maxamed Kulmiye

Fadlan Ilaali Xuquuda Qoraaga

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip