
Taariikh nololeedkii S/Guuto Axmed Suleyman Cabdalla "Dafle"
S/Guuto Axmed Suleyman Dafle wuxuu ka qeyb galay Dicadbaxyadii dibad baxyadii looga soo horjeeday wareejintii dhulka Soomaalida ee Reserve Area ee lagu wareejiyay dalka Ethiopia Sanadkii 1954kii.
Sanadkii 1955kii wuxuu S/Guuto
Axmed Suleyman Dafle waxa uu waxbarashadiisa aasaasiga ku qaatay dugsiga
Sheikh, wuxuuna ka mid noqday ardaydii uu siiyay waxbarashada Machadka
Farsamada ee Cadan.
S/Guuto Axmed Suleyman Dafle waxa uu ka
mid ahaa dhallinyaradii wax ka hirgelisay dhaqdhaqaaqii lagu magcaabi jiray Naasariya
ee dalka Masar oo ahaa kacaan ay ka shidaal qaadanayeen ummado badan.
S/Guuto Axmed Suleyman Dafle wuxuu dalka
dib ugu soo laabtay Sanadkii 1958dii, wuxuuna macallin ka noqday Dugsiga
Hoose Dhexe ee Camuud.
Sanadkii 1959kii waxa uu
waxbarasho dhinaca militeriga loogu diray "Royal Military Academy” ee Dalka
Ingiriiska, halkaasi oo uu tacliinta sare ee ciidamada lugta ku soo bartay muddo
3 sanadood ah.
Wuxuu dalka dib ugu soo laabtay Sanadkii 1962diiisaga oo xiddigle ah, waxa uuna macalin tababare ciidan ah uu ka noqday Dugsigii
Saraakiisha ciidamada ee Magaalada Muqdisho.
Sanadkii 1963kii waxaa loo
dallacsiiyay derajada 2 xiddigle wuxuuna taliye ku xigeen ka noqday urur
daganaa magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.
Dagaalkii ay Ethiopia ku soo qaadday dalka
Soomaaliya Sanadkii 1964ii waxa ay dagaal ka galeen isaga iyo saraakiil
kale ciidamo ay hoggaaminayeen Magaalada Feerfeer, dagaalkaas oo lagu
guddoonsiiyay bilad geesinimo.
Sanadkii 1965kii waxaa uu u
dallacay Derajada 3 xiddigle ama dhamme, waxaana taliye loogu
magacaabay urur ciidan oo daganaa magaalada
Gaalkacyo, ka dib markii uu dhammeystay tababar uu u galay qabashada taliyaha
ururkaas.
Sanadkii 1967kii S/Guuto
Axmed Suleyman Dafle waxaa uu taliye urur ka noqday ciidamadii fadhigoodu
ahaa Magaalada Seylac oo ku begnayd waqtigii Aftida laga qaadayay dalka
Jabuuti.
Bishii September sanadkii 1967kii S/Guuto
Axmed Suleyman Dafle wuxuu madax ka noqday Xafiiskii Wardoonka Ee Ciidankii
Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana wuxuu waqtigaas ahaa Taliyaha
xoghayihii Taliyihii ciidankii Xoogga dalka ee S/Gaas Max’ed Siyaad Barre.
S/Guuto Axmed Suleyman Dafle Sanadkii
1968kii wuxuu u dallacay Derajada Gaashaanle, Sanadkii xigay ee 1969kiiwuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada ee talada dalka kula wareegay Afgambigaa
soo ahaa mid aan dhiig ku daadan.
Sanadihii 1970kii -1971dii S/Guuto
Axmed Suleyman Dafle waxaa 2 jeer loo dallacsiyyay derajooyinka kala ah G/Dhexe & G/Sare
8dii bishii Janaayo sanadkii 1971kii S/Guuto
Axmed Suleyman Dafle wuxuu noqday Taliyihii Ciidankii Nabadsugidda Qaranka,
ka dib markii la isu geeyay labadii xafiis ee la oran jiray;-
1. Special Branch
2. Wardoonkii sirta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
S/Guuto Axmed Suleyman Dafle inta uu
taliyaha ka ahaa Ciidamadii Nabadsugidda Qaranka N.S.S. waxaa uu ku
guuleystay Shirqoolladii marar badan lala doonayay in lagu fashiliyo wax qabadkiiKacaankii 21kii Okroobar.
Sanadkii 1974kii wuxuu xubin
ka noqday guddigii Golaha Sare ee Kacaanka isla markaana waxaa loo magcaabau u
qaabilsanaa dhinaca nabadgelyada.
Sanadkii 1976kii ka dib
markii la dhisay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed waxaa loo
dallacsiiyay Darajada S/Guuto, isla markaana ah Taliyihii Ciidankii
Nabadsugidda Qaranka.
S/Guuto Axmed Suleyman Dafle Mudadii
dhowrka iyo labatanka sano ahayd ee uu qaranka soomaaliyeed burburka ku yimid
dalkuna uu ka jiray dagaalada sokeeye iyo midka diimeed waxa uu S/Guuto
Axmed Suleyman Dafle ka mid ahaa muwaadiniintii dibadda ka istaagay
dagaladii sokeeye iyo bur-burkii ka dhacay dalka Haatanna waxa uu ku nool yahay
dalka dibadiisa.
Ogsoonoow Taariikhdu Waa Mudan Waa Tiro Mar
Qaati leh
W/D Tifaftiraha warbaahinta
Ciidamada Qalabka Sida
Ustaad:- Cumar Maxamed Kulmiye
Fadlan Ilaali Xuquuda Qoraaga
Taariikh nololeedkii S/Guuto Axmed Suleyman Cabdalla "Dafle"
S/Guuto Axmed Suleyman Dafle wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer sanadkii 1937dii Hooyadii waxaa lagu magcaabi jiray Arda Xussein isaga oo 13 sano jir ayey geeriyootay, Aabihiisna wuxuu geeriyooday sanadkii 1974kii Quraanka wuxuu ku