Taariikh Nololeedkii Allaha U naxariistee General. Daa,uud C/lle xirsi.

0
Wednesday April 13, 2016 - 14:44:14 in Maqaallo by Mustaf Xuseen
  • Visits: 11762
  • (Rating 3.6/5 Stars) Total Votes: 7
  • 10 5
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololeedkii Allaha U naxariistee General. Daa,uud C/lle xirsi.

    General. Daa,uud C/llahi xirsi waxa uu ku dhasahay Mgaalada Mareeg ee hoostagtag Magalada Ceeldheer Ee Gobolka Galgaduud sanadkii 1924 Waxa uuna halkaasi uu ku dhameysta aqoontiisa Qur'aanka kariimka isagoo da' yar ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

General. Daa,uud C/llahi xirsi waxa uu ku dhasahay Mgaalada Mareeg ee hoostagtag Magalada Ceeldheer Ee Gobolka Galgaduud sanadkii 1924 Waxa uuna halkaasi uu ku dhameysta aqoontiisa Qur'aanka kariimka isagoo da' yar ah.
Mudo sanad ah asagoo ka shaqaynayaa xaafiiska Talyaaniga ee degmada Buuloburde ayuu wuxuu u gudbay magaalada Muqdisho, kahor intaan la gaarin Dagaalkii Labaad ee Aduunyada. 
Sanadkii 1943kii wuxuu ku biiray Ciidamadii Booliska ee Ingiriiska oo markaas hayste koonfurta Soomaaliya, Janaral Daauud waxaa uuna ka mid noqday macalimiintii tababarayaasha ahaa ee Dugsiga Booliiska ee Xamarjajab
Dagaalkii labaad ee Aduunka kadib, horaantii Sanadkii 1950kii Taliskii Talyaaniga ay  ku soo noqdeen koonfurta Soomaaliya ayaa Janaraal Daauud waxa uu ku guulayte imtixaan uu u galay leyli sarkaal. Waxaana loo qaaday dalka Talyaaniga halkaasina  uu ku soo dhamaystey Tababarkii Ciidan ee Sarkaalnimada.
Sanadkii 1954kii ayuu ku soo laabtay Dalka, wuxuuna ku Shaqeynayay Sarkaalnimo dhinaca Ciidanka  Booliiska kadibna wuxuu ka qeyb galay Diyaarintii iyo Aas Aaskii ciidammadii Xooga Dalka Soomaaliyeed. 
Markii ay Soomaaliya noqotay dal madaxbannaan waxaa loo magacaabay Taliyahii ugu horreeyay ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynihii Ugu Horreeyey ee Dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya Allaha u naxariistee Aadan Cabdulle Cusman "Aadan Cadde" ayaa u magacaabay in mar kale uu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. 
Xeerkii lagu dhisay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed waxaa lagu Dalacsiiyay Darajadda Janaraalnimada ah alaha u naxariistee  Daauud Cabdulle Xirsi oo noqday Taliyaha Ugu Horeeyay ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Waxaana darajadaasi u dalacsiiyay Raisul-wasaare Cabdullaahi Ciise Maxamuud. 
Gen Daauud C/lle Xirsi waxa uu noqday  Taliyihii ugu da,da yaraa ee soomara Taariikhda misana maamula ciidanka qaranka sidoo kale waxaa lagu xasuustaa Gen Daauud C/lle Xirsi in uu soo saaray dadka ugu magaca dheer Ciidanka Xagga ciidanka X.D.S sida Gen Maxamed Nuur Gallaal Gen Maxamed Faarax Ceydiid , col C/laahi yuusuf axmed, Gen Maxamed Ibraahim liiqliiqato  iyo Saraakiil kale oo Ka tirsanaa Ciidanka . 
Sidoo kale Gen Daauud C/lle Xirsi waxa uu taliye unoqday uuna Lana soo Shaqeeyay Gen Maxamed Abshir Muushe iyo Gen Maxamed Cali Samatar , Gen Salaad Gabeyre Kadiye, iyo Gen Maxamed Siyad Barre  oo mar aha madaxweynihii dalka soomaaliya. oo in toodaba sheegeen in eey ka Faa-iideysteen Aqoon dheeraad ah Gen Daauud C/lle Xirsi. 
Gen Daauud C/lle Xirsi wxaa uu guula la taaban karao ka gaaray Dagaalki somalia ay la gashay Ethopia Sanadii 1964 Markaas oo loo aqoonsaday Halgamaa Hal ku Dhig leh oo aad loo Xurmeeyo. 
Waxaa Kaloo Jira Qabuuro loogu Magacdaray Ganeralka oo lagu magcaabo Qabuuraha General Daa,uud oo ku Yaala Dagamada Wardhiigleey oo dhawaan magaceeda loo badalay Degmada Warta Nabadda iyo Sidoo kale Wadada loogu magacdaray  Gen Daa'uud iyo Iskuulka lagu magcaabo Dusiga Sare ee Gen Daauud oo dhammaantood ku yaala  Gobolka Banaadir.
Gen Daauud C/lle Xirsi Waxaa uu ahaa masuul  ay jeclaayeen Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, maadaama uu aad ugu dadaali jiray noloshooda. 
Gen Daauud C/lle Xirsi waxaa aad loogu xusuustaa Xiliyadii uu uu Noolaa wax uu quudin jirey dadka Tabarata Yar ee soo beegsanayay xeryaha ciidamada oo uu oran jirey waxa Walba oo aad aragataan oo yaala Xeryaha waad Cuni kartaan.
Gen Daauud C/lle Xirsi dadka Aqoonta gaarka ah u lahaa waxa ay sheegeen inuu ahaa qof diinta ku wanaagsan oo baari ah, Af gaaban, Aaminna ahaa, kuna dadaala runta, waxaana la sheegay inuusan dadka jidka ku dhaafi jirin, horayna uu usii qaadi jiray maadaama uu watay baabuur uuna ahaana sarkaal sare.
Mana iska  dhowri jirin dadka shacabka ah Aqoon buuxdana ulahaa xilka & waajibaadkii ka saarnaa illaalinta & dhowritaanka midnimada & wadajirka xubnahii ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Allahaa u naxariistee Janaraal Daauud Cabdulle Xirsi wuxuu ku geeriyoodey magaalada Moosko ee dalka Ruushka Sanadkii 1965kii calanka Soomaaliyeed oo aan shan jirsan, asagoo jira 41 jir, 
Ogsoonoow Taariikhdu Waa Mudan Waa Tiro Mar Qaati leh
W/D Tifaftiraha warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida
Ustaad:- Cumar Maxamed Kulmiye
Fadlan Ilaali Xuquuda Qoraaga


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip