
Taariikh Nololeedkii Allah Unaxariistee S/Gaas Adan Cabdilaahi Nuur Aaadan Gabyoow.
Waxa uu askarinimada qortay Sanadkii 1947-kii xiligaasoo uu ku biiray ciidamadii la oran jiray KAR King African Rifle oo Ingiriisku uu lahaa , Batalyanka sadaxaad. Dhibowgana waxa uu kaga baxay Magaalada Jinja ee caasimada labaad ee dalka Uganda markii uu dhibowga dhameystey, waxaa loo qaaday magaalada Jigjiga oo ciidamadii KAR King African Rifle ay xaruntoodu ahayd.
Jigjiga ka dib waxaa loo soo badalay magaalada Kismaayo Sanadkii1950-kii markii dowlada Ingiriisku ay koonfurta Soomaliya ku wareejisay Talyaaniga. Addan gabyow waxa uu ka mid ahaa Cutubkii ugu dambeeyay ee laga soo qaado magaalada Kismaayo. Waxaana lo soo wareejiyay magaalada Yanyuki ee dalka kenya.
Sanadkii1951-kii waxa uu ka mid ahaa ciidamadii Ingiriiska ee ka dagaalamay Dalka Kuuriya. Sanadkii 1952-kiiwaxaa lagu soo celiyay dalka Kenya.
Sanadkii 1952-kii markii uu GeeriyoodayKing Goerge-kii England adan gabyow waxa uu ka mid ahaa ciidamadii Africaanka ee loo qadaay caleemo saarkii Boqorada Queen Elezabeth waxa uuna ka mid ahaa askartii Kenya ka socotay.
Subaxaasi boqorada la boqrayay S/Gaas Adan Cabdilaahi Nuur Allaha u naxariistee waxa uu ka mid ahaa ciidamadii ku horgaardiYay Boqarada waxa uuna safka ugu hore kaga jiray gardigaasi loo samaynayay caleemo saarkii Queen Elizabeth darajadiisuna waxau ahay Sajin Major.
Sanadkii 1953-kii waxa uu macalain tababare meleteri ah ka noqday xerada meleteriga ee Lanet ee ku taala magaalada Nakuru ee Dalkan Kenya oo markaasi ahay xarunta Tababarada ee wadamada Bariga Africa.
Sanadkii 1954-kii waxa lagu celiyay Batalyankiisii ama guutidiisii KAR King African Rifle oo markaasi dagaal kula Jirtay Jabhadii Maw Maw-ga ee Kenya ee xornimada u raadinaysay .
Taarikhdiisii Soomaaliya
S/Gaas Adan Cabdilaahi Nuur, Allaha-u-Naxariistee waxa uu Soomaaliya soo galay Sannadkii 1970-kiiisagoo ka soo baxsaday maamulka dalka Kenya halkaasoo la sheegay in uu ka ahaa Gaashaanleka tirsan ciidamada Dalkaasi kenya.
Markii uu soo galay dalka waxaa masuul looga dhigay xero markaasi Lasmeeyay oo loogu magac daray Bootiko, kaddibna loo bixiyey Dugsiga Tababarka Xalane, halkaa oo uu ku qaatay darajada Gaashaanle Sare sannadkii 1976-kii, waxa uuna Dugsigaasi tababarka xalane uu ku sugnaa ilaa iyo sannadkii 1979-kii.
Laakiin, markii la Aas-Aasay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed sannadkii 1976-KII ayuu Allaha-u-Naxariistee S/Gaas Adan Cabdilaahi Nuur, waxa uu ka noqday xubin muhiim ah oo ka tirsan golihii dhexe ee xisbigaasi oo ahaa midkii keliya ee ka jiray dalka isla markaana talada dalka hayey.
Sannadkii 1979-kii waxa uu S/GaasAdan Cabdilaahi Nuur, uu qaatay darajada Jeneraalnimada, waxaana laga dhigay wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga.
Sannadkii 1986, waxa uu noqday wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga.
Allaha-u-Naxariistee S/Gaas Adan Cabdilaahi Nuur, siyaasadda intaasi kagama harin ee waxa uu durbaba noqday Guddoomiyaha Ururkii SPM.
S/Gaas Adan Cabdilaahi Nuur, waxa uu misana taxaaluf siyaasadeed la yeeshay Mudane Cali Mahdi Maxamed oo markaasi hoggaaminayey rag kaloo badan oo dhammaantood ka soo wada horjeeday Jeneral Maxamed Faarax Xasan Caydiid, waxayna shirkii Addis Ababa ee Sannadkii 1993-kiiuga qeybgaleen iyagoo ah ururro gaaraya 12-urur.
Sannadkii 1995-kii waxa uu S/GaasAdan Cabdilaahi Nuur, ka mid noqday ururro ku bahoobay magaca SSAoo ka koobnaa 13 urur oo uu G uddoomiye u ahaa Mudane Cali Mahdi Maxamed, waxuuna S/Gaas Adan Cabdilaahi Nuur, ka qeybgalay shirkii Soodare ee Dalka Itoobiya lagu qabtay iyo kuu ka dhacay magaalada Qaahira Sannadkii 1997-KII kaasoo ay isaga iyo Colonel Cabdullaahi Yuusuf Markii danbeisaga baxeen.
Xilligaasi kaddib, S/Gaas Adan Cabdilaahi Nuur, waxa uu muddo fog ku sugnaa Dalka Itoobiya, isagoo mucaaraday shirkii ka dhacay dalka Djibouti ee lagu soo dhisay dowladda KMG ah, wuxuuna dabadeed ka mid noqday Guddoonka wareegga ah ee Ururka SRRC-da ee lagu soo dhisay dalka Itoobiya, sannadkii 2001dii.
Geerida Allaha-u-Naxariistii S/Gaas Adan Cabdilaahi Nuur,
Waxa uu ku geeriyooday cisbitaal ku yaala magaalada Nairobi June 5 ee Sanadkii 2002dii Waxa uuna ahaa mid ka mid ahaa murashaxiinta u tartamaya madaxtinimada Hoggaaminta Talada Dalka Soomaaliaya.
Ogsoonoow Taariikhdu Waa Mudan Waa Tiro Mar Qaati leh
W/D Tifaftiraha warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida
Ustaad:- Cumar Maxamed Kulmiye
Fadlan Ilaali Xuquuda Qoraaga
.
Taariikh Nololeedkii Allah Unaxariistee S/Gaas Adan Cabdilaahi Nuur Aaadan Gabyoow.
S/Gaas Adan Cabdilaahi Nuur waxa uu ku dhashay magalada Madogaashe ee gobolka Waqooyiga bari ee dalka Kenya.