Taariikhda kooban Ea Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed S/Guuto Cali Baashi Xaaji Maxamed.

0
Saturday April 09, 2016 - 18:06:24 in Maqaallo by Mustaf Xuseen
  • Visits: 4018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda kooban Ea Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed S/Guuto Cali Baashi Xaaji Maxamed.

    Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cali Baashi Xaaji Maxamed waxa uu ku dhashay magaalada xarardheere ee Gobolka Mudug, Wax-barashadiisa Quraanka kariimka ah kaddib , Waxbarashadiisa Aasaasiga ee Dugsiga Dhexe wuxuu ku Qaatay mag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cali Baashi Xaaji Maxamed waxa uu ku dhashay magaalada xarardheere ee Gobolka Mudug, Wax-barashadiisa Quraanka kariimka ah kaddib , Waxbarashadiisa Aasaasiga ee Dugsiga Dhexe wuxuu ku Qaatay magaalada muqdisho, dugsiga sarena Magaalada Burco Ee Gobolka Togdheer (technical institute burco).

Sanadkii 1970-1975 Waxa uu tababar milatari ku soo dhammeystay akadeemiyada ciidanka ee midowgii sofyeeti

Sanadkii 1975-1976 Waxa uu mar labaad koorso tababar milatari ah ku soo qaatay midowgii sofyeeti.

Sanadkii 1976 Bishii Novemberwuxuu u wareegay Taliska Qeybta 26aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ee Gobolka Waqooyi Galbeed halkaasoo uu muddo ka soo shaqeeyay ilaa Sanadihii 1977-1978.

Sanadkii 1978 kii Dagaalka kadib waxaa loo soo baddalay Wasaaradda Gaashaandhigga halkaa oo uu ka soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ah hoggaamada wasaaradda gaashaandhigga

Sanadkii 1985kii waxa uu noqday xoghayaha Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ahna abbaanduulaha X.D.S.

Sanadkii 1988 kii- waxaa loo magcaabay Madaxa Hogganka Sahanka iyo nabad galyada wasaaradda gaashaandhigga Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed).

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cali Baashi Xaaji Maxamed ayaa Mudadii dhowrka iyo labatanka sano ahayd ee uu qaranka soomaaliyeed burburka ku yimid dalkuna uu ka jiray dagaalada sokeeye iyo midka diimeed waxa uu Abaanduulaha ka mid ahaa muwaadiniintii dibadda ka istaagay dagaladii sokeeye iyo bur-burkii ka dhacay dalka.

Waxaana xilka Abaanduulka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo Magcaabay 3 september Sanadkii 2015.

Ogsoonoow Taariikhdu Waa Mudan Waa Tiro Mar Qaati leh

W/D Tifaftiraha warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida

Ustaad:- Cumar Maxamed Kulmiye

Fadlan Ilaali Xuquuda Qoraaga

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip