Taariikhda S/Gaas Daahir Aadan Cilmi Indhoqarsho"

0
Friday April 08, 2016 - 14:37:18 in Maqaallo by Mustaf Xuseen
  • Visits: 4550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda S/Gaas Daahir Aadan Cilmi Indhoqarsho"

    S/Gaas Daahir Aadan Cilmi Soomaaliyeed Waxa uu ku Dhashay, magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug sanadkii 1948.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

S/Gaas Daahir Aadan Cilmi Soomaaliyeed Waxa uu ku Dhashay, magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug sanadkii 1948.

General Daahir Aadan Cilmi oo loogu yeero "Indhoqarsho" waxbarashadiisi Dugsiga Hoose waxuu ku soo qaatay (Sudan Interior Mission School) ee magaalada Buuloburde, Dugsiga Dhexe waxuu ku soo qaatay ( American Minnenite Mission) oo la oran jiray"Shabeelle Intermediate School" ee magaaladda Jowhar, Dugsiga Sare wuxuu ku soo qaatay Banaadir Sare ee magaalada Muqdisho, waxuu aqoonta Jamacadeed ku soo qaatay Maraykanka "University of Massachusetts Boston".

Wuxuu ku soo biiray Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed 1968, wuxune tababar ku soo qatay Kuliyadda Tababarka Ciidanka ee magaalada Odessa ee dalkii Midowga Sofiyet hadana ah Yukrayn, Sidoo kale wuxuu tababarro guud iyo kuwo khaas ku qaatay dalka gudihiisa (Tababar Abbanduul) iyo dibeddiisa (Command General Staff College, Kansas, USA).

General Daahir Aadan Cilmi Wuxuu ka soo shaqeeyay qeybo badan ee Ciidanka Xogga Soomaliyeed (Qeybta 60-aad, Qeybta 21-aad, Qeybta 26-aad), isagoo ka qabtay xilal howlgal iyo mid hogaamiyeed.

Sidoo kale wuxuu jagooyin kala duwan ka qabtay Taliska Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Abaanduulihii Kuliyadihii waxbarashada ee Xogga Dalka Soomaaliyeed. General Daahir Aadan Cilmi wuxuu mudadii Ciidanka uu ka tirsanaa muujiyay Hawlkarnimo, Hoggaamin, Maamul Hufan iyo Geesinimo.Waxuu sidoo kale qaatay billad dahabka ciidanka xooga dalka soomaaliya oo uu gudoonsiiyey General Maxamed Siyaad Barre waxuuna ku muteeystay wacdarihii u ka dhigay dagaalkii 1977 dii ee Xorayntii Soomaali galbeed ahaana guutadii qabatay qabri daharre waxay ahayd magaaladii labaad ay qabsadaan Ciidanka Soomaaliya.

Sanadkii 2012 ayaa loo magcaabay taliyaha Guud Ee Ciidanka Xooga Dalka  Sareeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe)

Sareeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe)  ayaa Mudadii dhowrka iyo labatanka sano ahayd ee uu qaranka soomaaliyeed burburka ku yimid dalkuna uu ka jiray dagaalada sokeeye iyo midka diimeed waxa uu Taliyaha ka mid ahaa muwaadiniintii dibadda ka istaagay dagaladii sokeeye iyo bur-burkii ka dhacay dalka.

Sareeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe), waxa uu xilka taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed uu wareejiyay Bishii September sanadkii 2015ka waxa uuna muujiyay inta uu hayay Hooggaanka talada Ciidanka Xoogga Dalka soomaaliyeed wax qabad muuqda oo waxa uuna ku Guuleeystay inuu furo Warbaahin ku hadasha Codka Ciidamada Qalabka Sida iyo Tayada iyo tababarada ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed.

Ogsoonoow Taariikhdu Waa Mudan Waa Tiro Mar Qaati leh

W/D Tifaftiraha warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida

Ustaad:- Cumar Maxamed Kulmiye

Fadlan Ilaali Xuquuda Qoraaga

 

 

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip