Ciidamada Nisa oo qabtey Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa
Xigasho:Sona.soXog ay heshay Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegaya in ciidamada Nabadsugida ay ka hortagatay gaari laga buuxiyay walxaha Qarxa kaas oo laga damacsanaa in wax yeelo logu geesto.
Gaarriga oo noociisu ahaa kaarib ayaa NISA ku qabatay Subaxnimadii hore ee saaka Dagmada Hodan gaar ahaan nawaaxiga Ex Madaxtooyadii hore C/qaasim
Ciidamada NISA ayaa kala furfuray Qaraxyadii ku xirnaa Gaarigaas iyagoona Dadkii shacabka ahaa ee ka agdhawaa goobta kasaaray halkaas inta aysan furfuran walxaha qarxa ee ku xirnaa gaarigaasi.
Macluumaadka gaarigan waxaa hay’ada NISA u soogudbiay Dad shacab ah oo ku dhaqan Dagmadaasi is la markaasna la sooxiriiyay Ciidanka Amaanka kadib markii ay ogaadeen falkan Argagixisonimada ah.
Muuqaalka gaarigan iyo macluumaadkiisa dheeriga ah waan idin soogudbin doonaa goordhow