Maamulka Shirkadda FAVORI oo faah faahin ka bixiyay horumarka garoonka Aadan Cadde

0
Tuesday April 28, 2015 - 07:58:02 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Shirkadda FAVORI oo faah faahin ka bixiyay horumarka garoonka Aadan Cadde

    Maareeyaha dhanka amniga ee shirkadda FAVORI Hakan Aydin oo maanta Warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa tilmaamay in terminalka cusub ee garoonka uu u sameysanyahay si la mid ah kuwa caalamka, isla markaana uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha dhanka amniga ee shirkadda FAVORI Hakan Aydin oo maanta Warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa tilmaamay in terminalka cusub ee garoonka uu u sameysanyahay si la mid ah kuwa caalamka, isla markaana uu hoolwaliba leeyahay masjid ay dadka ku tukadaan, goobo lagu baarayo, alaabaha ay wataan iyo saashado ay kala socon karaan xilliyada uu duulimaadkooda baxayo.

Mr Hakan ayaa xusay inay jirto horumar xagga duulimaadka ah, isla markaana ay uu farqi weyn u dhexeyso sanadihii 2013-ka iyo 2014-ka, taasi oo uu ku sheegay in ay tahay tallaabo horumar leh, marka loo eego duulimaadyada garoonka bixi jiray.

"Tan iyo intii aan hawl bilawnay sannadkii 2014, waxaa tirada guud ee duulimadka sannadkaas oo kaliya uu noqday 18,498, kuwaas oo dhamaan ah dulimaad caalami ah oo bixitaan iyo imaanshaba isuga jira, hadda waxaa dhamaanaya bishii afaraad ee sannadka waxaana duulimaadka uu marayaa 5,528, sannadkii 2013 tirada guud ee rakaabka diyaarada heer calami iyo heer gudaha ahba waa 119,954 halka 2014 ay tiradaas noqotay 439,879 waa farqiga statistics ahaan ee u dhaxeeya labadaa sanno” ayuu yiri Mr Hakan.

Maareeyaha dhanka amniga ee shirkadda FAVORI ayaa tilmaamay in roobadkii dhawaan ka da’ay caasimadda ay saameyn ku yeesheen Terminalka cusub, haatanna ay ku guulesteen in ay dib u habeyn ku sameeyaan meelihii uu roobka ka soo da’ay, waxaana uu xusay in xilligii ay soo gabo gabeeynaeen dhismaha Terminalka aysan jirin hab ay ku ogaan kareen meelaha uu iminka roobku ka soo galay.

"Roob culus ayaa da’ay todobaadkii la soo dhaafay kaasoo socday muddo laba saac ah, waxaana uu dhibaato u gaystay saqafka sare ee dhismaha garoonka, laakiin waxa uu ahaa waxyar oo la dayactiri karay, waan ogaanay meelaha saameynta roobka uu ku yeeshay waana dayac tirnay, dhibaatadaas hadda waa lagu guuleystay xalinteeda” ayuu Hakan Aydin hadalkiisa ku daray.

Terminalka cusub ee garoonka Aadan Cadde oo dhismahiisu ay si rasmi ah u bilaabatay 1-dii april ee sanadkii tegay, laguna soo gabo gabeeyay dhismahihiisa wax ka yar sanad ayaa bulshada Soomaaliyeed waxa ay aad ugu riyaaqeen qaab dhismeedka garoonka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip