Xarun cusub oo ciidanka cirka leeyahay oo la dhagax dhigay

0
Monday April 27, 2015 - 13:48:49 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarun cusub oo ciidanka cirka leeyahay oo la dhagax dhigay

    Iyadoo dagaaladii mudo 24 ka sanno ah dalkeena la dagay ay sababeen burburka xarumihii qaranku lahaa oo ay ka mid yihiin xarumihii ciidanka dhawaanahaana ay socdeen dadaalada dowladda Soomaaliya ay ugu jirto dhismaha ciidamada qalabka sida qaybahooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo dagaaladii mudo 24 ka sanno ah dalkeena la dagay ay sababeen burburka xarumihii qaranku lahaa oo ay ka mid yihiin xarumihii ciidanka dhawaanahaana ay socdeen dadaalada dowladda Soomaaliya ay ugu jirto dhismaha ciidamada qalabka sida qaybahooda kala duwan ayaa waxaa manta taliyaha Ciidanka cirka Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamuud Sheekh Cali {Dable Beylood} waxaa uu dhagax dhigay xafiis uu ku shaqeeyo taliska ciidankaasi oo aan jirin 24 kii sano ee la soo dhaafay.

Taliyaha ayaa xafiiskaan uu maanta dhagax dhigay waxaa uu ku dhex yaalaa Xarunta Ciidanka cirka ee Afasyooni oo ku taala degmada Waabari waxaana uu taliyuhu halkaa kula hadlay qaybo ka tirsan ciidanka cirka oo uu sheegay in ay u istaagaan sidii ciidanku ugu soo laaban lahaayeeen heerkii ay waqti ka hor joogeen .

Sareeyo guuto Maxamuud Sheekh Cali{ Dable Beylood} taliyaha ciidanka cirka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Xafiiskaan uu dhagax dhigay iyo waxa howshiisu noqon doonto.

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in dhismaha xafiiskaan oo aas aas u ah dib u dhiska Ciidanka Cirka ay gacan ka siineyso taliska mid ka mid ah dowladaha saaxiibka la ah dowladda Soomaaliya sida ugu dhaqsaha badana loo bilaabi doono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip