Taliyaha CXD oo kormeeray cutubyo ka tirsan ciidanka oo tababar u socdo

0
Saturday May 16, 2026 - 21:07:47 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 31
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha CXD oo kormeeray cutubyo ka tirsan ciidanka oo tababar u socdo

    TALIAYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED , S/GUUTO IBRAAHIM MAXAMED MAXAMUUD AYAA MAANTA KORMEER UGU TAGAY CUTUBYO KATIRSAN CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED. Oo tababar uga socda Dugsiga Tababarka Xanan Buure ee degmada Caabudwaaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TALIAYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED , S/GUUTO IBRAAHIM MAXAMED MAXAMUUD AYAA MAANTA KORMEER UGU TAGAY CUTUBYO KATIRSAN CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED. Oo tababar uga socda Dugsiga Tababarka Xanan Buure ee degmada Caabudwaaq.
Kormeerka Taliyaha waxaa ku wehlinayay Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Col. Maxamed Dhagawayne iyo saraakiil kale oo katirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ujeedka kormeerka ayaa ahaa u kuurgalida xaaladda cutubyada ciidanka ee tababarka ku jira, tayada tababarka ay qaadanayaan, iyo dhiirigelinta ciidamada si ay u laba jibbaaraan waajibaadka qaran ee saaran.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa la hadlay ciidamada tababarka ku jira, isagoo ku boorriyay inay sare u qaadaan anshaxa, kartida iyo difaaca dalka, si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga iyo xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha Khawaarijta.
Dhinaca kale, ciidamada ku jira tababarka Dugsiga Xanan Buure ayaa soo bandhigay xirfado iyo tababaro kala duwan oo qeyb ka ah diyaarinta ciidamada cusub ee ku biiraya safka hore ee difaaca dalka.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip