Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milatari

0
Monday May 18, 2026 - 18:03:45 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 21
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milatari

    Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, oo uu weheliyo Taliyaha TÜRKSOM, Sarreeye Gaas Sebahattin Kalkan, iyo saraakii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, oo uu weheliyo Taliyaha TÜRKSOM, Sarreeye Gaas Sebahattin Kalkan, iyo saraakiil kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, dardargelinta howlaha socda, gaar ahaan tababarrada ciidamada, taageeridda dhismaha awoodda difaaca iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah u xusay doorka ay ka qaadato la dagaallanka argagixisada, tayeynta ciidamada iyo guulaha laga gaaray iskaashiga Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan kooxo kasoo horjeeda dowlad-dhiska Soomaaliya oo dhibsada xiriirka sii xoogeysanaya iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.



 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip