Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Deegaanka oo Jab Culus Ku Dhigay Khawaarijti Isku dayday Inay Soo Weeraraan Ceel-Dheer

0
Friday September 12, 2025 - 19:41:58 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 17
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Deegaanka oo Jab Culus Ku Dhigay Khawaarijti Isku dayday Inay Soo Weeraraan Ceel-Dheer

    Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo ciidamada deegaanka ayaa subaxnimadii maanta ka hortagay weerar ay kooxda argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab kusoo qaadeen degmada Ceel-Dheer ee gobolka Galguduud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo ciidamada deegaanka ayaa subaxnimadii maanta ka hortagay weerar ay kooxda argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab kusoo qaadeen degmada Ceel-Dheer ee gobolka Galguduud.
Ciidanku waxay jab culus gaarsiiyeen cadawga, iyagoo dilay in ka badan 30 xubnood oo Khawaarij ah. Sidoo kale, gacanta ayaa lagu soo dhigay maxaabiis ay ku jiraan horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka.
Intii lagu guda jiray dagaalka, 6 askari oo ka tirsan geesiyaasha CXDS ayaa shahiiday, halka 14 kale ay dhaawacyo fudud soo gaareen iyagoo difaacaya shacabka iyo qaranka.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa hadda ku howlan howlgallo lagu baacsanayo firxadkii Khawaarijta, si loo ciribtiro haraadiga ku dhuumaaleysanaya nawaaxiga degmada Ceel-Dheer.
Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadinaysaa geesinimada iyo naf-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo si joogto ah ugu taagan difaaca qaranka iyo ciribtirka Khawaarijta.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip