Saraakiil Ciidan oo ka Socda Dowladda Masar oo soo gaaray Muqdisho

0
Monday September 01, 2025 - 20:52:17 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 10
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Ciidan oo ka Socda Dowladda Masar oo soo gaaray Muqdisho

    Xoghayaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Sareeye Guuto Maxamed Goodax Barre, ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Ciidanka Qalabka Sida ee dalka Masar oo ka kooban 16 sarkaal, oo uu hoggaaminayay Sareeye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Sareeye Guuto Maxamed Goodax Barre, ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Ciidanka Qalabka Sida ee dalka Masar oo ka kooban 16 sarkaal, oo uu hoggaaminayay Sareeye Guuto Islaam Radwan.

Wafdigan ayaa horudhac u ah ciidamada Masar ee dhawaan kusoo biiri doona Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

Intii ay ku sugnaayeen Muqdisho, wafdiga Masar waxa ay kulan la qaateen Madaxa Hawlgalka AUSSOM, ahna Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyagoo ka wada hadlay diyaar-garowga hawlgalka iyo xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Sidoo kale, muddada uu wafdigu joogo dalka, waxa uu kormeeri doonaa saldhigyada ay degi doonaan ciidamada Masar, xarumaha tababarka iyo saadka, iyo goobaha lagu wado in ay ka hawlgalaan.

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip