Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Taliyaha Turkisom oo Kormeer Ku Tagay Deegaanka Number 50 ee Gobolka Shabeellaha hoose.

0
Tuesday August 26, 2025 - 20:36:02 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 27
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Taliyaha Turkisom oo Kormeer Ku Tagay Deegaanka Number 50 ee Gobolka Shabeellaha hoose.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar "Gen. Khaalid", iyo Taliyaha Ciidanka Turkisom Gen. Sebahattin Kalkan ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagay deegaanka Number 50 ee gobolka Shabeella

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar "Gen. Khaalid", iyo Taliyaha Ciidanka Turkisom Gen. Sebahattin Kalkan ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagay deegaanka Number 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Booqashadan ayaa qayb ka ah sare u qaadista howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo xoojinta iskaashiga dhanka ammaanka ee u dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa saaxiibada ah ee Turkisom.

Labada Taliye ayaa kulamo gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada ee halkaas ku sugan, waxayna warbixin rasmi ah ka dhageysteen xaaladda amniga iyo horumarka laga sameeyay dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Intaa ka dib, waxay kormeereen goobta laga dhisayo isbitaalka deegaanka Number 50, taas oo qeyb ka ah dadaallada horumarineed ee la socdo sugidda amniga. Taliyeyaasha ayaa bogaadiyay mashruuca isbitaalka, iyagoo sheegay in adeegyada caafimaad ee la qorsheeyay ay wax weyn ka tari doonaan baahida bulshada deegaanka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip