Masar oo ciidamo u soo diraysa Soomaaliya

0
Tuesday August 26, 2025 - 20:34:02 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 22
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masar oo ciidamo u soo diraysa Soomaaliya

    Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay soo dhoweyneysaa guusha lagu soo gabagabeeyay tababarkii ugu horreeyay ee loo qabtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Masar, kuwaas oo dhawaan kusoo biiri doona Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay soo dhoweyneysaa guusha lagu soo gabagabeeyay tababarkii ugu horreeyay ee loo qabtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Masar, kuwaas oo dhawaan kusoo biiri doona Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC) ayaa horey u ansixiyay ka qaybgalka ciidamada Masar ee AUSSOM. Tallaabadani waxay muujinaysaa sida ay Dowladda Masar uga go’antahay taageeridda amniga Soomaaliya iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo loo marayo qaab-dhismeedka hawlgalka cusub ee AUSSOM.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadineysa kaalinta Midowga Afrika iyo Saaxibada Caalamka ee lagu xoojinayo hay’adaha amniga, isla markaana door muhiim ah ka qaadanaya dardargelinta dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip