Kulan Ciyaareed Lagu Muujiyay Nabadgelyada Waajid oo Dhexmaray Kooxo ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

0
Wednesday July 16, 2025 - 21:13:16 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Ciyaareed Lagu Muujiyay Nabadgelyada Waajid oo Dhexmaray Kooxo ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

    Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa maanta martigelisay kulan ciyaareed xiiso leh oo u dhexeeyay kooxo ka tirsan Ururka 95-aad ee Guutada 9-aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa maanta martigelisay kulan ciyaareed xiiso leh oo u dhexeeyay kooxo ka tirsan Ururka 95-aad ee Guutada 9-aad
 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Kulankan oo ka dhacay garoon gudaha degmada ah, ayaa qeyb ka ahaa soo dhaweynta Kaaliyaha Guutada 9-aad Dhamme Cilmi Aadan Isaaq, oo ay wehliyeen saraakiil kale oo ka tirsan taliska ciidanka.
Dhamme Cilmi Aadan Isaaq ayaa si rasmi ah ciyaarta u furay, isagoo la hadlayay ciyaartoyda iyo ciidamada goobta ku sugnaa. Wuxuu dhiirrigelin u jeediyay geesiyaasha ciidanka XDS, isagoo xusay in ciyaaraha ay qeyb ka yihiin muujinta xasiloonida, isku-duubnida, iyo niyadda sare ee ciidamadda ku sugan Gobolka Bakool.
Kooxaha ka socday Ururka 95-aad ayaa bandhig cajiib ah kusoo bandhigay ciyaarta, taasoo qeyb ka ah kaabista nolosha ciidanka iyo muujinta nabadda ka jirta degmada Waajid, taas oo ay ciidanka xoogga dalka gacanta ku hayaan sugiddeeda.
Ujeedada kulan ciyaareedka ma ahayn oo kaliya madadaalo, balse wuxuu xambaarsanaa farriin sare oo muujineysa in geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed aysan ahayn oo kaliya kuwa dagaalka kaga adkaada cadawga Khawaarijta, balse sidoo kale yihiin ciidamo leh niyad sare, halgan iyo himilo waddaniyadeed oo midaysan.
 
 
 
 
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip