Kulanka Lagu Xoojinayo Dagaalka Ka Dhanka ah Khawaarijta oo Ka Dhacay Raage-Ceelle
Kulanka lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa caawa ka dhacay degmada Raage-Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Kulankan muhiimka ah ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Colonel Xasan Ciraaqi, Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meeyre Makaraan, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.
Taliyaha Guutada 18-aad Col Xasan Ciraaqi ayaa kula dardaarmay saraakiisha iyo masuuliyiinta deegaanka inay si dhow u wada shaqeeyaan, si looga miro dhaliyo amniga gobolka, loogana cirib tiro Khawaarijta caadeystay daadinta dhiigga shacabka.
Dhanka kale, Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meeyre Makaraan ayaa sheegay in shacabka deegaanka Raage-Ceelle diyaar u yihiin inay garab istaagaan ciidanka, ayna la shaqeyn doonaan si loo sugo amniga loona gaaro guul waarta.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo madaxda deegaanka ay ugu jiraan ciribtirka Khawaarijta.