Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa Jubbaland oo Howlgal Qorsheysan Ka Fuliyay Jiinka Wabiga Jubba
Ciidanka geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ururka 162-aad ee Kumaandoska Danab iyo ururka 56-aad guutada 11-aad ee qeybta 43-aad, oo garab ka helaya ciidamada daraawiishta Dowlad-goboleedka Jubbaland
ayaa howlgal ballaaran oo qorsheysan ka fuliyay deegaannada Malaaleey, Araare, Koban, JanaaleJay iyo Reeynero oo dhaca jiinka wabiga Jubba ee gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanku ay burburiyeen meelihii gabaadka u ahaa khawaarijta, kuwaasi oo ay kasoo abaabuli jireen dhagarta shacabka gobolka.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland ayaa sii wada howlgallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada lagu ciribtirayo Khawaarijta si shacabka reer Jubbada Hoose ay u helaan nolol deggan oo ka caagan cabsi iyo cadaadis.