Howlgallo Qorshaysan oo Ka Dhan ah Khawaarijta oo ka Dhacay Gobolka Bakool
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubyo ka tirsan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa howlgallo qorshaysan ka fuliyay deegaanka Dhaji, oo qiyaastii 40km u jirta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay maleeshiyaad badan oo ka tirsan kooxda Khawaarijta, ayna ku jiraan horjoogayaal muhiim ah. Waxaa sidoo kale laga furtay hub iyo saanad ciidan oo ay ku kaydsanayeen deegaankaasi.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa si joogto ah u sii wadda howlgalka lagu baacsanayo kooxaha Khawaarijta ee naf-lacaariga ah, iyadoo talisku uu adkeeyay in la dar-dargelinayo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee gobolka Bakool iyo dalka intiisa kale.