
DOWLADNIMADU WAA DAMAANADA NOLOSHA!
Dowlad la'aanta wax ka xun ma jiro. Waa xaqiiqo uu si gaar ah u fahmayo muwaadin Soomaaliyeed oo la kulma xaalado adag oo ka baxsan dalkiisa hooyo.
Tusaale dhab ah ayaa inoo muuqday dhawaan, markuu dhaawac kasoo gaaray Dr. Mustafa Cali Macallin, dhakhtar Soomaaliyeed oo wax ku bartay dalka Iran, weerarro cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay magaalada Tehran.
Markaasi ayuu dhabta noqday kaalinta dowladnimo. Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Turkiga, iyagoo si dhow ula shaqeynaya dowladda Turkiga, waxay ku guuleysteen in si nabad ah Dr. Mustafa looga soo saaro xuduudda Iran loona soo gudbiyo dhanka Turkiga tallaabo geesinimo, mas’uuliyad iyo damqasho ku dhisan.
Tani waxay tusaale nooga tahay in dowladdu tahay tiirka ugu weyn ee difaaca muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waa garab dhab ah, waa damiir u taagan karaamada iyo badbaadada shacabka. Ficilkaas uu qaaday dowladda Federaalka iyo Safaaraddaheedu wuxuu yahay mid lagu farxo, isla markaana dhiirrigelin u ah dhammaan muwaadiniinta dibadda jooga.
Dowladnimadu ma aha oo keliya calan la taago iyo dhismooyin muuqda ee waa damiir u taagan ilaalinta nolosha muwaadinka, meel kasta oo uu joogo. Waa dareen, garab istaag iyo daryeel dhab ah.
Waa in la xoojiyaa garashada shacabka ee ah in dowladdu ay tahay tiir lagama maarmaan u ah jiritaanka qaranimada, badbaadada muwaadinka iyo horumarka bulshadeena. Haddii aan nahay Soomaali waxaan leenahay dowlad, cidna naguma dayici karto aduunka inteeda kale.
W/Q: Maxamed Muuse
Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida Soomaaliyeed
Codka Difaaca Qaranka!
DOWLADNIMADU WAA DAMAANADA NOLOSHA!
Dowlad la'aanta wax ka xun ma jiro. Waa xaqiiqo uu si gaar ah u fahmayo muwaadin Soomaaliyeed oo la kulma xaalado adag oo ka baxsan dalkiisa hooyo.