Cutubyo katirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, ayaa howlgal qorshaysan ku beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta AS

0
Wednesday June 18, 2025 - 19:10:58 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cutubyo katirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, ayaa howlgal qorshaysan ku beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta AS

    oo ku dhuumaaleysanayay deegaanka Ceel Jeedow, oo hoos taga Waajid. Howlgalka oo ahaa mid si taxadar leh loo fuliyay, ayaa sababay in cadowga laga saaro goobihii ay isku aruursanayeen, iyadoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

oo ku dhuumaaleysanayay deegaanka Ceel Jeedow, oo hoos taga Waajid. Howlgalka oo ahaa mid si taxadar leh loo fuliyay, ayaa sababay in cadowga laga saaro goobihii ay isku aruursanayeen, iyadoo
laga dilay tiro maleeshiyaad ah, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen ama ay firxadeen.
Saraakiisha CXDS ee  howlgalka hogaaminayay ayaa sheegay in bartilmaameedku uu ahaa xarumo ay Khawaarijtu u isticmaali jireen qorsheynta dhagarta iyo caburinta shacabka deegaanka. Waxaa la burburiyay gaadiid iyo agab ciidan oo ay halkaasi ku kaydsanayeen.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa mar kale muujiyay kartidooda iyo go’aankooda ku aaddan sifeynta dalka ee Khawaarijta, iyagoo si dhow ula shaqeynaya shacabka deegaanka oo door weyn ka qaadanaya la shaqeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip