Duqeymo Culus oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ayaa Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta jab xoogan lagu gaarsiiyey
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwa Jubbaland oo garab ka helaya saaxiibada caalamka ayaa shalay iyo maanta fuliyay duqeymo culus oo lagu bartilmaameedsaday saldhigyo iyo fariisimo ay kooxda Khawaarijta
Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Maqooqaha, oo qiyaastii 10km u jirta saldhigga ciidamada Jubbaland ee ku yaalla tuulada Bulo-xaji, 90km dhinaca waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.
Cadowga Khawaarijta oo isku uruursanayay deegaanka Maqooqaha iyo nawaaxiga tuulada Xalima-cadey, ayaa la xaqiijiyey in ay wadeen qorsheyaal ay ku doonayeen in weerarro gaadmo ah ku qaadaan saldhigga ciidamada Jubbaland ee Bulo-xaji. Si looga hortago khatartaas, waxaa la qaaday tallaabo degdeg ah oo duqeyn ah oo si gaar ah loogu beegsaday goobaha ay ku sugnaayeen horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta.
Duqeymahaas ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh. Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamadda ayaa waxaa halkaasi lagu dilay 25 dhagarqabe, oo 5 kamid ah ahaayeen horjoogayaal sare, halka 20 kale ay ahaayeen maleeshiyaad. Waxaa sidoo kale duqeyntu ku burburtay afar gaari oo ay Khawaarijtu u adeegsanayeen dhaqdhaqaaqyadooda iyo weerarada lagu beegsado shacabka Soomaaliyeed.
Hawlgalkaan wuxuu muujinayaa feejignaanta iyo dadaalka joogtada ah ee ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ah ay ugu jiraan sidii loo dabar-goyn lahaa Khawaarijta, loona xaqiijin lahaa amniga shacabka Soomaaliyeed.