Ciidamada Daraawiishta Puntland oo Guulo ka Gaarey Hawlgallo ka Dhan ah Khawaarijta

0
Sunday June 08, 2025 - 16:42:08 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Daraawiishta Puntland oo Guulo ka Gaarey Hawlgallo ka Dhan ah Khawaarijta

    Ciidamada Daraawiishta Maamulka Puntland ayaa saddexdii maalmood ee u dambeysay fuliyey hawlgallo cir iyo dhul ah oo qorsheysan, kuwaas oo laga sameeyay deegaannada ku teedsan togagga Sadow, Cadalle, iyo lugaha Raa-raha ee tog-weynaha Baallade.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Daraawiishta Maamulka Puntland ayaa saddexdii maalmood ee u dambeysay fuliyey hawlgallo cir iyo dhul ah oo qorsheysan, kuwaas oo laga sameeyay deegaannada ku teedsan togagga Sadow, Cadalle, iyo lugaha Raa-raha ee tog-weynaha Baallade.
Hawlgalladan oo si xeeladaysan loo fuliyay ayaa ciidamada u suurtageliyay inay la wareegaan gacan ku haynta deegaannadaas muhiimka ah, kuwaas oo muddooyinkii u dambeysay ay ku dhuumaaleysanayeen kooxaha argagixisada.
Intii uu socday hawlgalku, ciidamada Daraawiishta waxay guulo la taaban karo ka gaareen cadowga, iyagoo ka furtay hub, isla markaana ka dilay tiro ka mid ah sharwadayaasha argagixisada ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip