
Ciidanka Xoogga Dalka Oo Howlgalo Miino Baaris ah Kasameeyay Wada Isku Xirta Degaanada Buufoow iyo Janaale ee Gobolka Shabeelada hoose,
Kadib markii ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ay howlgalo amniga amni xaqiijin ah kasameeyeen inta udhexeeyso degaanada buufoow bacaad iyo janaale ee gobolka shabeelada hoose si ay uga badbaadiyaan shacabka soomaaliyeed ee wadadaasi kusafra dhagarta maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab ayay kuguuleeysteen miinooyin dhoowr ah oo argagixisada wadada galiyeen.
Howlgalkani oo ay sameeyeen guutada 14-ka oktoobar xoogga dalka ayaa soo saaray sadax miino oo al-shabaab wada galiyeen si ay ugu dhibaateeyaan shacabka wadadaasi isticmaala sidookale waxeey gacanta kusoo dhigeen mid kamid ah maleeshiyaadka al-shabaab oo wadaasi buufoow bacaad iyo jaanale iskuxirta miino ku aasay kaasi oo ay usoo gudbiyeen hayadaha kushaqadaleh baaritaankiisa loo horgeeyo cadaalada sida uu kusoo waramayo wariyaha Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida Cabdiwaaxid Axmed Geedi oo kusugan gobolka shabeelada hoose.
Ciidanka Xoogga Dalka Oo Howlgalo Miino Baaris ah Kasameeyay Wada Isku Xirta Degaanada Buufoow iyo Janaale ee Gobolka Shabeelada hoose,
Kadib markii ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ay howlgalo amniga amni xaqiijin ah kasameeyeen inta udhexeeyso degaanada buufoow bacaad iyo janaale ee gobolka shabeelada hoose si ay uga badbaadiyaan shacabka soomaaliyeed ee wadadaasi kusafra dhagart