Wasiirka Howlaha Guud "Waxaan dib u howlgelin doonaa hay'addii Sahminta, Cabirka iyo Diiwaan gelinta Dhulka"

0
Sunday April 26, 2015 - 08:33:29 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Howlaha Guud "Waxaan dib u howlgelin doonaa hay'addii Sahminta, Cabirka iyo Diiwaan gelinta Dhulka"

    Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Inj. Saalax Sheekh Cismaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo oo 4 cisho ku joogay dalka Turkiga ayaa Maanta dalka dib ugu laabtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Inj. Saalax Sheekh Cismaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo oo 4 cisho ku joogay dalka Turkiga ayaa Maanta dalka dib ugu laabtay.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Inj. Saalax Sheekh Cismaan Shir jiraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu uga warbixiyay shirkii caalamiga ahaa ee Sahminta, Cabirka iyo Diiwaan gelinta Dhulka ee Caalamka oo ka dhacay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga intii u dhexeysay 20kii ilaa 24kii bishan Abril.

Inj. Saalax ayaa waxa uu sheegay in uu saxiixay baaq caalami ah oo markii ugu horeysay Soomaaliya ay qeyb uga noqoneyso nidaamka caalamiga ah ee sahminta, cabbirka iyo diiwaangelinta dhulka.

Waxa uu intaa ku daray Wasiirka in Soomaaliya ay gudbisay xaaladda dhulka Soomaaliya sida uu hadda yahay burburkii kadib isaga oo xusay in uu dalku lahaan jiray shuruuc iyo xeerar ku saabsan cabbirka iyo milkiyadda iyo diiwaan gelinta dhulka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in burburkii soo maray dalka uu sababay in xaruumihii lagu keydin jiray warqadaha dhulalka ay bur-bureen, taasina ay sababtay isqabqabsi ballaaran oo dhulka ku aadan.

Wasiirka ayaa cadeeyay in Xukuumadda uu wakiilka uga yahay dhulalka iyo howlaha guud ay dhawaan dib u soo celin doonto hay’adihii sahminta, cabirka iyo diiwaangelinta iyada oo la raacayo xeerarkii ay Soomaaliya lahaan jirtay ee Umuurahaasi ku saabsanaa islamarkaana la waafajinayo xaaladda haatan ka jirta Soomalaiya.

In ka badan 60 dowladood ayaa shirka ka qeybgalay. Waxaa kale oo shirka yimid ergo iyo khubaro 1500 kor u dhaafaya iyo 13 wasiir oo ay Soomaaliya iyo Jabuuti ka mid yihiin.

Dhanka kale, Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Bay’ada Turkiya iyo Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya ayaa si gooni ah isugu afgartay in ay iska kaalmeystaan sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa nidaamka sahminta, cabbirka iyo diiwaangelinta dhulka iyada oo la adeegsanayo tiknoolajiyadda ugu dambeysa ee caalamka, waxaana arrintaa iska kaashan doona khubaro Soomaali iyo Turki ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip